Manchester City Oo Barcelona Ku Garaacaysa Saxiixa Xidigan

0
Sunday October 28, 2018 - 19:47:26 in Wararka by
  • Visits: 628
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Manchester City Oo Barcelona Ku Garaacaysa Saxiixa Xidigan

    Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay xiisa waalli ah u qabto da'yarka kooxda Ajax qadka dhexe uga ciyaara ee Frenkie de Jong, kaas oo sidoo kale xiisa ka helaya Barcelona iyo Paris Saint Germain.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay xiisa waalli ah u qabto da'yarka kooxda Ajax qadka dhexe uga ciyaara ee Frenkie de Jong, kaas oo sidoo kale xiisa ka helaya Barcelona iyo Paris Saint Germain.

De Jong ayaa soo jiitay indhaha kooxaha ugu awoodda badan qaaradda yurub, kadib bandhig laayab leh oo uu kasameeyay horyaalka dalka Holland ee Eridivise.

Sida ay baahisay Sun Sport Manchester City ayaa doonaysa in ay bisha January ay xidigan kula heshiiso adduun lacageed dhan 62-malyan oo gani, isaga oo sii joogi doona kooxdiisa Ajax tan iyo dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Manchester City ayaana u muuqata koox ku guulaysan karta tartanka loogu jiro saxiixa da’yarka Ajax kaas oo ay sidoo kale ay u hanqal taagayso adeeggiisa kooxda uu maamulo tababare Ernesto Valverde ee Barcelona.

Barcelona ayaa wali suuqa kabaadi goobaysa xidig ay baddal uga dhigto Andre Iniesta kaas oo wax kabadan toban sano kamid ahaa safka koobaad ee kooxda Camp Nou.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip