Wasiiradda Arrimaha Dibadda Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay Iiraan

0
Monday January 11, 2016 - 10:18:23 in Wararka by
  • Visits: 584
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiiradda Arrimaha Dibadda Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay Iiraan

    Wasiiradda Arrimaha Dibadda Jaamacadda oo shir deg deg ah ku yeeshay magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa si kulul u cambaareeyay dowladda Iiraan, iyagoo taageeray tallaabadii Sacuudiga xiriirka ugu jartay dalkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiiradda Arrimaha Dibadda Jaamacadda oo shir deg deg ah ku yeeshay magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa si kulul u cambaareeyay dowladda Iiraan, iyagoo taageeray tallaabadii Sacuudiga xiriirka ugu jartay dalkaas.

Guddoomiyaha Jaamacadda Carabta Nabil Al-Carabi ayaa ku eedeeyay Iiraan falalkeeda cadawtooyada iyo daan-daansiga ay ku heyso dalalka Carabta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in Iiraan ay wado kicin, isla markaana ay dooneyso in dalalka Carabta ka abuurto fowdo, qalalaaso iyo mad-habkeeda shiicada.

Go’aan ka soo baxay Wasiiradda Arrimaha Dibadda Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay in weerarkii Safaaradda Sacuudiga iyo dhismaha Qunsuliyada uu ahaa mid ay soo abaabushay Iiraan, isla markaana jebisay xeerarka caalamiga ah.

Baaritaanka lagu sameeyay weerarkaas ayaa lagu wadaa in Jaamacadda Carabta u gudbiso Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey, si go’aan uga qaato.

Qaar ka mid ah dalalka Carabta ayaa xiriirka u jaray dowladda Iiraan, iyagoo taageeraya dowladda Sacuudiga, waxaana loo arkaa tani mid Iiraan lagu cunaqabateynayo, iyadoo Sacuudigana uu wado dadaal uu taageero uga raadsanayo dalalka Islaamka.

Xiriirka Sacuudiga iyo Iiraan ayaa sii xumaanayay, wixii ka dambeeyay markii Sacuudiga dil ku fuliyay wadaad Shiico ahaa, waxaana dibad baxyo ka dhashay dilkaas oo ka dhacay Iiraan ay sababtay in dad careysan ay gubaan Safaaradda Sacuudiga ee Tehran.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip