Real Madrid oo doonaysa Daafacan ka tirsan Porto iyo Lacagta ay ku heli karto
Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa in ay suuqa kala iibsiga ciyaartooyda ay ka raadin doonto xidig ku wanaagsan ka ciyaarista danbeedka midig ee daafaca.
Kooxda uu maamulo tababare Lopetegui ayaa waqtigan booskaas u haysata kaliyay xidiga reer Spain ee Dani Carvajal kaas oo a ciyaarayay sannadihii u danbeeyay.
Wargayska Record ayaana ogaaday in Real Madrid ay isha ku hayso saxiixa xidiga danbeedka midig ee daafaaca kaga ciyaara kooxda FC Porto ee Alex Telles.
Telles oo kamid ah daafacyada ugu tayada badan qaatadda yurub ayaa soo jiitay indhaha kooxda Bernabeu, daafacan ayaana lagu qiimeeyA adduun lacageed dhan 40-malyan oo Euro.
Wargayska ayaana intaas kudaraya in Real Madrid ay bixin karto lacagta ay xidigan ku doonayso kooxda uu waqtigan katirsanyahay ee FC Porto.
Real Madrid oo doonaysa Daafacan ka tirsan Porto iyo Lacagta ay ku heli karto
Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa in ay suuqa kala iibsiga ciyaartooyda ay ka raadin doonto xidig ku wanaagsan ka ciyaarista danbeedka midig ee daafaca. Kooxda uu maamulo tababare Lopetegui ayaa waqtigan booskaas u haysata kaliyay xidiga reer S