Maxay Ahayd Hadiyaddii Mohamed Salah Ka Guddoomay Gabadha Dhamaadka Ciyaartii Xalay?

0
Thursday October 25, 2018 - 19:22:00 in Wararka by
  • Visits: 588
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Ahayd Hadiyaddii Mohamed Salah Ka Guddoomay Gabadha Dhamaadka Ciyaartii Xalay?

    Mohamed Salah ayaa abaal-marin ku helay gudaha garoonka kaddib markii ay dhamaatay ciyaartii ay Liverpool 4-0 ku xasuuqday Red Star Belgrade oo uu dhaliyey laba ka mid ah goolasha, isla markaana soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah oo muujiyey inuu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mohamed Salah ayaa abaal-marin ku helay gudaha garoonka kaddib markii ay dhamaatay ciyaartii ay Liverpool 4-0 ku xasuuqday Red Star Belgrade oo uu dhaliyey laba ka mid ah goolasha, isla markaana soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah oo muujiyey inuu kasoo kabanayo dhibaatooyinkii uu la kulmay bilowga xili ciyaareedka. Xiddiga reer Masar ayaa farxad ku dhamaystay ciyaarta, hase yeeshee markii la yeedhiyey siidhiga dhamaadka ayaa uu u dhaqaaqay dhinaca jamaahiirta oo ay dhex fadhiday gabadh sidatay calaamad iyo qoraal luuqadda Carabiga ah, halkaas oo salaan kaddib uu ka helay hadiyad lama filaan ahayd oo ay ugu soo talogashay.


Mohamed Salah oo hadiyadda guddoomaya ayaa waxa sawirro ka qaatay jamaahiirta Liverpool oo muddooyinkan dambe tebayey dhalintiisii goolasha oo wiiqantay iyo in aanu qaab-ciyaareedkii xili ciyaareedkii hore ku celinin.

26 jirkan ayaa ka hor intii aan loo dhiibin bushqad yar oo xidhan oo midabkeedu Huruud/Jaale yahay, waxa uu haweenayda hadiyad uga dhigay garankiisii ciyaarta.

Mohamed Salah ayaa xalay dhaliyey laba gool waxaana uu ku darsaday qaab ciyaareed wanaagsan, halka laba gool oo kalena ay raaciyeen Firmino iyo Sadio Mane.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip