Ardayda Jaamacadda Gaarisa oo maanta waxbarashadooda dib u bilaabanaya

0
Monday January 11, 2016 - 10:16:58 in Wararka by
  • Visits: 833
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ardayda Jaamacadda Gaarisa oo maanta waxbarashadooda dib u bilaabanaya

    Ardayda Jaamacadda Gaarisa ayaa maanta oo isniin ah dib u bilaabaya waxbarashadooda, kadib markii dhowaan dib loo furay jaamacadaas, halkaasoo bishii April ee sanadkii hore ay Al-Shabaab weerartay, kuna dishay 148 ruux u badnaa arday. Boqolaal Ard

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ardayda Jaamacadda Gaarisa ayaa maanta oo isniin ah dib u bilaabaya waxbarashadooda, kadib markii dhowaan dib loo furay jaamacadaas, halkaasoo bishii April ee sanadkii hore ay Al-Shabaab weerartay, kuna dishay 148 ruux u badnaa arday. Boqolaal Arday aya duowaan is diiwaan gelisay, si ay wax uga bartaan jaamacadda, waxaana is bedel dhinaca amniga oo lagu sameeyay Jaamacadda, iyadoo laga dhex furay Saldhig Boolis.

Ardayda ayaa la filayaa inay Jaamacadda soo xaadiraan marka ay saacada geeska afrika tahay 8:00 subaxnimo, waxaana warbaahinta gudaha Kenya ay soo sheegaysaa inay jirto rajo badan oo ku aadan in waxbarashadii Jaamacadaas ay dib u bilaabato sagaal bilood.

Isku duwaha amniga ee Gobolka Waqooyi Bari Maxamuud Saalax ayaa sheegay in ciidamo boolis la geeyay Jaamacadda, isagoo xusay in ammaanka uu wanaagsan yahay, isla markaana ay howl gallo socdaan habeen iyo maalin.

Mr Saalax ayaa sheegay in ardayda waxbarashadooda dib u bilaabaya maanta uu amnigooda sugan yahay, waxaana uu xusay in Jaamacadda Gaarisa ay tahay jaamacada kaliya ee ku taala Gobolka Waqooyi Bari.

Maamulka Jaamacadda ayaa sheegay inay rajo ka qabaan inay dib u soo laabtaan ardaydii jaamacada dhiganeysay, inkastoo badankood markii weerarka ka bad baadeen ay u wareegteen Jaamacado kale.

Weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee lagu qaaday 2-dii April 2015 ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee Al-Shabaab ka geysato gudaha Kenya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip