Rikoorradii laga diiwaan geliyay kullamadii xalay Champions League ee Group B

0
Thursday October 25, 2018 - 18:59:41 in Wararka by
  • Visits: 682
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rikoorradii laga diiwaan geliyay kullamadii xalay Champions League ee Group B

    Hirving Lozano waxa uu si toos ah ugu lug yeeshay 15 gool, 15 kii kullan ugu dambeysay dhammaan tartamada uu u ciyaaray PSV (11 gool iyo 4 caawin). Lucas Moura waxaa uu Champions League gool ka dhaliyay markii ugu horreysay tan iyo October 2016 kull

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hirving Lozano waxa uu si toos ah ugu lug yeeshay 15 gool, 15 kii kullan ugu dambeysay dhammaan tartamada uu u ciyaaray PSV (11 gool iyo 4 caawin). Lucas Moura waxaa uu Champions League gool ka dhaliyay markii ugu horreysay tan iyo October 2016 kullan PSG iyo Basel dhex maray. Kieran Trippier waxa uu abuuray lix fursadood qaybtii hore ee kullanka, waxaana uu ugu yaraan afar ka badnaa qof walba oo ciyaarta ku jiray. Harry Kane ayaa dhaliyay goolkiisii 11-aad ee Champions League, waxaana ay ku qaadatay keliya 13 kullan. Hugo Lloris waxa uu qaatay casaankiisii labaad inta uu ka tirsanyahay Tottenham Hotspur, labada cassaanna waxa ay yimaadeen isagoo ciyaaraya tartamada Europe (23 October 2014 kullan ay la ciyaareedn Asteras Tripolis, 24 October 2018 kullan ay la ciyaareen PSV Eindoven).

Barcelona 2-0 Inter Milan

Rafinha ayaa kusoo billawday kullankiisii ugu horreeyay Champions League Barca ciyaarto tan iyo ciyaartii caanka ahayd ee ay Barcelona 6-1 ku dhafatay PSG.

Rafinha ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay ee Barcelona u dhaliyo dhammaan tartamada tan iyo February 2017 kullan Atletico Madrid uu ka dhaliyay La Liga.

Jordi Alba ayaa ah difaaca goolasha ugu badan ku lug yeeshay Champions League xilli ciyaareedkan, waxaana uu ka qayb qaatay afar gool (saddex caawin iyo gool).




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip