Shirka Madasha wada tashiga Qaran ee Kismaayo oo mar kale dib u dhacay
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish oo la hadlay Idaacada BBC-da ayaa sheegay inay dhici karto in shirka maanta dib u dhaco, maadaama aysan soo wada dhameystirmin madaxda ka qeyb galeysa.
Darwiish ayaa sheegay in inta badan wafuuda ay shalay soo gaareen, maantana la filayo inuu yimaado Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Waxaa uu sheegay in sababaha shirka dib uga dhacayo ay tahay, iyadoo Madaxda ay maalmahan safaro ku tageen Boosaaso, Cadaado iyo Muqdisho, sidaas oo ay tahayna madaxda oo daal ka muuqata aanay suura geli karin in maanta shirka furmo.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka socda qaban qaabada shirka, waxaana Madaxda ku sugan ay leeyihiin shirar gaar gaar ah.
Waxaa la filayaa in magaalada uu ka dhaco shir lagu dhameystirayo heshiiskii Gaalkacyo ee u dhaxeeyay Maamulada Galmudug iyo Puntland, waxaana kulankan garwadeen ka ah Maamulka Jubbaland.
Magaalada ayaa waxaa ku sugan wafuud ka socota beesha Caalamka oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya oo xalay ku hoyday Kismaayo.
Maalinta berri ayaa marka uu si rasmi u furmo shirka waxaa lagu wadaa in laga doodo nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa sanadkan 2016.
XIGASHO:-JOWHAR.COM
Shirka Madasha wada tashiga Qaran ee Kismaayo oo mar kale dib u dhacay
Shirka wada tashiga Kismaayo ee looga hadlayo hanaanka doorashooyinka ayaa lagu soo waramayaa inuu mar kale dib u dhac ku yimid, iyadoo wafuuda ka qeyb galeysa shirkaas ay wali ku qul qulayaan.