WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 11KA JANNAAYO 2016KA

0
Monday January 11, 2016 - 08:35:57 in Wararka by
  • Visits: 866
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 11KA JANNAAYO 2016KA

    MADAXWEYNAHA: "TALLAABADA AAN IIRAAN XIRIIRKA UGA GOOSANEY WAXAY AHAYD MID SAXA, DULQAAD BADAN OO FALALKA AY DALKEENA KA WADEEN KADIB AYAAN GO'AAN KA QAADANAY'' Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Shee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA: "TALLAABADA AAN IIRAAN XIRIIRKA UGA GOOSANEY WAXAY AHAYD MID SAXA, DULQAAD BADAN OO FALALKA AY DALKEENA KA WADEEN KADIB AYAAN GO'AAN KA QAADANAY'' Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda Iiraan ay falal amniga iyo xasiloonida Soomaaliya lagu carqaladeynayo faraha kula jirtey, sababtaasi awgeedna ay Dowladda Federaalka Soomaaliya xiriirka ugu jartey. "Xukuumadda Iiraan oo ka faa’iideysaneysa marxaladda adag ee dalkeenu marayo ayaa waxay doneysey inay fitno dhanka caqiiddada ah ku beerto dalkeena, taas oo dhibaato ku noqon karta nabadda iyo xasiloonida qaranka. Markaan dulqaad badan muujiney, isla markaana aan helnay caddeymo ku filan oo falalka ay faraha kula jireen la xiriira, ayaan goosaney inaan xiriirka u jarno si aan ugu turno dalka iyo shacabka u ooman nabadda’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay wararka dacaayadaha ah ee sheegaya in sababta ay Soomaaliya xiriirka ugu jartey IIraan ay la xiriirto xurgufta siyaasadeed ee dhex taalla Boqortooyada Sacuudiga iyo xukuumadda Tehran.

"Dacaayadaha ku saabsan inaan taageerada Sacuudiga awgeed xiriirka ugu jarney Iiraan sax ma ahan. Muddo ayaan si hoose dabagal ugu hayney dhaqdhaqaaqa saraakiil reer Iiraan ah oo madhabta Shiicada ku faafinayey Soomaaliya. Saraakiishaasi waxay horey uga soo hawlgaleen dalal kale oo hawlo noocaani ah ay ka soo qabteen. Haatanna waxay doonayeen inay dalkeena fitno taa la mid ah ka abuuraan. Ilaahay mahaddii xog buuxda ayaan ka helnay, waana ka tashanay, inagoo eegayna danta qarankeena’’.

WASIIRKA GAASHAANDHIGA OO LA KULM AY SARAAKIIL KA SOCOTAY WASAARADDA DIFAACA INGIRIISKA

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyey Saraakiil sare oo ka socota Wasaaradda Difaaca Boqortooyada Ingiriiska oo hoggaaminayo Gen John Lorimer.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Saraakiisha Britain taageerada xoogan ee dawladdoodu ay la garab taagan tahay dalka Soomaaliya, gaar ahaan taageerada dhanka Ciidamadda. Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in Saraakiisha ay isla soo qaadeen khatarta argagixisada ee gobolka iyo sidii wadajir looga hortagi lahaa, isagoo xusay in mar walba muhiim tahay in Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ay hormuud u noqdaan howlgal walba oo lagu baacsanayo cadowga.

"Wafdiga ka socda dawladda Ingiriiska oo Hoggaaminayo Jen. Lorimer waxaan isla soo qaadnay taageerada Dawladda Ingiriiska ee Ciidanka Qaranka. Waxayna balan qaadeen in ay xoojin doonaan taageerada ay siiyaan Ciidanka si loo dardar geliyo dagaalka lagula jiro Cadowga”.

"Soomaaliya waxay kamid tahay dalalka ay khatarta ku hayaan kooxahan ay jihadu ka luntey, Si aan u xoojino dagaalka lagu ciribtirayo mar walba waxaan u baahan nahay sidii iskaashi caalami ah loogu wajihi lahaa” ayuu yiri Wasiir Diini.

Kulanka ayaa waxaa ku weheliyey Wasiirka, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga, iyadoo ay goobjoog ahayd Safiirka Ingiriiska u fadhida Soomaaliya iyo Diplumasiyiin kale oo ka tirsan Safaaradda.

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO SAXIIXAY XEERKA SAXAAFADDA

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sha lay Saxii xay Xeerka Saxaaf adda Soom aaliya oo dhawaan ay Meelmariyeen Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu Saxiixay Xeerka Saxaafadda.

Xeerkaan uu Saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa noqonaya mid dhaqan galaya marka uu Saxiixo Madaxweynaha Soomaaliya,iyadoo uu Saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya.

Baarlamaanka Federaalka ah ayaa 28kii Bishii hore ee December Saxiixay Xeerka Saxaafadda Soomaaliya,iyadoo ugu danbeyna uu Madaxweynaha Soomaaliya Dhankiisa Saxiixay.

WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA ITOOBIYA IYO XUBNO KA TIRSAN BEESHA CAALAMKA OO GAARAY KISMAAYO

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Tedhros Adhanom ayaa shalay gaaray magaalada Kis maayo, halkaasoo lagu wado in maalinta berri uu ka furmo shirka wada tashiga ee looga hadl ayo hanaanka doorashooyinka sanadkan 2016 ka dhacaya dalka.

Mr Adhanom ayaa waxaa uu ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Kismaayo Madaxda Maamulka Jubbaland, waxaana lagu wadaa inuu ka qeyb galo shirka madasha wada tashiga ee ha naanka doorashooyinka.

Wararka ayaa intaa ku in Urur goboleedka IGAD ay door ka qaadan doonto sidii madaxda So omaalida ay isku raaci lahaayeen hanaan doorasho oo dalka ka dhaco, iyadoo wali aan la isku raa cin nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta, marka uu dhamaado waqtiga dowladda hada jirta.

Sidoo kale waxaa Kismaayo ka degay xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo diblomaasiyiin, kuwaasoo ka qeyb galaya shirka arrimaha Hiigsiga looga hadlayo.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa kula kulmay magaalada Kismaayo Saraakiil ka tirsan AMISOM, iyagoo ka wada hadlay arrimaha ammaanka iyo howl galada dalka ka socda, waxaana Wasiirka uu ku booriyay saraakiisha in la sii wado dagaalka ka dhanka ah AlShab aab.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo qeyb ka ah howl galka AMISOM ayaa dhowaan gaaray magaalada Kismaayo, iyadoo tagitaankooda magaalada lagu sheegay ka qeyb qaadashada sugida amniga magaalada iyo howl galada lagula jiro AlShabaab.

MADAXWEYNAHA IYO GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA OO KA TACSIYADEEYAY GEERIDA XILDHIBAAN KA TIRSANAA BAARLAMAANKA

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii, Baarlamanka Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, geeridii ku timid Marxuum Xuseen Warsame Samatar oo ka tirsanaa Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in XildhibaanXuseen Warsame uu ka mid ahaa xubnaha sida weyn uga soo shaqeeyey dib u heshiisiinta, mar bandanna naftiisa ay khatar u gashey isagoo gudanayaa waajibaadkiisa qarannimo ee nabad raadinta iyo dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Baarlamaanka iyo shacabkuba ay tebi doonaan hawshii wanaagsaneyd ee uu qaranka u hayey.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Xildhibaannada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Guddoomiye kuxigeenka Guddiga dastuurka ee Baarlamaanka Marxuum Xuseen Warsame Samatar oo ku geeriyooday dalka Turkiga, halkaasi oo uu ku xanuunsanaa muddooyinkan dambe.

"Innaa Lillaahi waa Innaa Ileyhi Raajicuun. Marxuumka Allah u naxariisto. Waxaa uu ahaa nin waddankiisa u soo shaqeeyay, mar walbana ku haminayey inuu arko Soomaaliya oo mideysan, nabad ah, kana soo kabatey burburkii ku dhacay. Waxaa uu ahaa nin si wanaagsan uga dhex muuqdey baarlamanka’’. ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

HAY'ADDA NISA OO U DABAALDAGTAY 46GUURADII KASOO WAREEGTAY MARKII LA AASAASAY

Hay'adda Nabadsugidda Qaranka ayaa xalay u dabaaldagay sannadguuradii 46aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay, iyadoo xuskan ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud.

Xasan Sheekh ayaa khudbad uu ka jeediyay xuskan oo lagu qabtay xarunta Nabadsugidda Qaranka ee Muqdisho wuxuu ku ammaanay NISA, isagoo sheegay inay kasoo dhalaaleen waajibaadkii loo igmaday.

"Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ammaan, bogaadin iyo wanaag ayay mudan yihiin. Waa ciidan uu waajibaad badan saaran yahay, una taagan badbaadinta shacabka Soomaaliyeed. Wayna jirtaa in markii hore fikirro khalad laga haystay, xilligii ay jirtay dowladdii hore ee kacaanka, balse haatan dib u habeyn ayaa lagu sameeyay, waxaana mabda'eeda koowaad uu yahay inay dhawraan xuquuqda aadanaha & u adeegida Qaranka," ayuu madaxweynuhu ka yiri.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in NISA ay door weyn ka qaataan sugidda ammaanka, iyagoo si buuxda ula shaqeeya qeybaha kale ee Ciidammada Qalabka Sida.

Mar uu ka hadlayay dhanka siyaasadda ayuu madaxweynuhu sheegay in fashilka ugu weyn ee sababey burburka Somalia ay tahay dhanka siyaasada. Wuxuuna yiri. "Dalkeenu wuxuu ahaa mid xooggan oo dunida inteeda kale ka tilmaaman. Balse siyaasad xumo awgeed ayaa burbur xoogan uu nasoo wajahay. Waxaan haysanaa fursad aan ku abuurno siyaasad saliim ah oo wax dhisaysa. Waxaana nagu habsaday dhibaato kheyrulcaadi ah oo aan dunida kale ka jirin, taasoo u baahan xal u gaar ah. Wax badan ayaa inoo qabsoomay, welina waannu soconaa. Waa wax laga xumaado inay jiraan kuwo dafirayaa in wax la qabtey, waxaana u arkaa kuwaas inay yihiin kuwo aan doonayn inay Somalia horey u dhaqaaqdo.’’

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in nidaam federalka ah uu dalku qaatay, ujeeddada laga leeyahayna ay tahay in xukunka iyo adeegyada guud ee bulshada la baahiyo.

"Nidaamka federaalka ah ee aanu qaadannay waa nagu cusub yahay, laakiinse waxaan isla qiraynaa inuu yahay mid dawo u noqon kara dhibaatooyinkii horay noogu soo habsaday. Talada dalka iyo xukunka waa mid Soomaali oo dhan ay ka dhexeyso, qof walbana wuxuu xaq u leeyahay in si dimoqraadi ah uu waddankan uga taliyo haddii la soo doorto, marka xiligiisa uu dhammaadana ay la gudboon tahay inuu kursiga baneeyo’’.

Ugu dambeyn, madaxweynaha ayaa ugu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay laamaha kala duwan ee amniga la shaqeeyaan, si dalku uu uga gudbo heerka dib u soo kabashada oo loo hiigsado horumar buuxda. Isagoo ka jaray xarigga mashaariic ay ka mid yihiin isbitaal gaar u ah hay’adda NISA.

DAGAAL KA DHACAY DEGMADA BAARDHEERE

Labo ciidan ayaa ku wada dag aalamay Bartamaha Magaalada iyo Aaga Saldhiga Booliska Degmada Baa rdheere, waxaana ka dhashay Dagaa lkaasi Khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac.

Inta la xaqiijiyay hal Askari ayaa ku geeriyooday dagaalka, sidoo kale waxaa jirta waxyeelo soo gaartay dadka shacabka ah iyo ciidamada intaba, balse ma cadda Khasaaraha rasmiga ah inta uu la eeg yahay.

Dagaalka ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii Saldhiga ay weerareen ciidan ka tirsan Dowladda, balse ka careysan dil 6dii Bishan Magaalada Baardheere loogu geystay Sarkaal ka tirsanaan jiray Shabaab, balse markii dambe ku soo biiray ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo.

Sarkaalka la dilay ee Shabaab horay uga soo goostay ayaa lagu magacaabi jiray Faarax Cali Cabdi (Hari ye), Faarax ayaa bilowgii sannadkii 2015ka isu soo dhiibay Ciidamada Do wladda Soamaaliya, ee deggan Dee gaanka Ceelcadde, oo qiyaastii 60km u jirta Xarunta Gobolka Gedo Ee Magaalada Gorbahaarey.

Magaalada Baardheere waxaa ka socota Barakac ay sameynayaan dadka shacabka ah ee Magaalada ku nool, maadaama weli ay taagan tahay xiisada dagaalka ah ee u dhaxeysa ciidamada Dowladda kawada tirsan.

MEYDKA HAWEENEY LA SHEEGAY IN KILYAHA LAGALA BAXAY OO LAGA HELAY DULEEDKA KAARAAN

Meydka Haweeney Mudo 20 Cisho ka hor la waayay ayaa laga hel ay Duleedka Degmada Kaaraan ee Go bolka Banaadir,waxaana la sheegay in Haweeneydaan lagala baxay Labadeeda Kilyood.Qof ka mid ah Ehelka Haweeneyda Meydkeeda la helay ayaa sheegtay in Ciidamada Boo liska Ee Saldhiga Degmada Kaa raan ay ka heleen Meydka Meel Duur ah oo ku taalla Duleedka De gmada Kaaraan,waxaana la sheegay in Haw eeneyda lagala baxay Labada Kilyood islamarkaana Jirkeeda kale ay ku yaallan Dhaawacyo.

Sidoo kale Ehelka Haweeneyda Meydkeeda la helay ayaa noo sheegay Maamada markii dad ugu danbeysay ay ku sugneyd Xaafadda Kaawo Godey Ee Degmada Dharkeynley.

Maamulka Degmada Kaaraan Wali Faahfaahin kama bixin Meydka Haweeneyda laga helay Duleedka Degmada Kaaraan.

Xigasho:-radiokulmiye.com

HAY’ADAHA SAMAFALKA OO GAR GAAR U RARAY MAGAALOOYIN GO’DOONSAN OO SUURIYA KU YAALA

Hay’adaha samafalka ayaa gaadiid ay saaran yihiin shixnado gar gaar ah u daabulay magaalooyin go’doonsan oo ku yaala dalka Syria.

Magaalooyinka go’doonsan ee raashinka samafalka ah la gaarsiinayo waxaa ka mid ah magaalada Madaya oo ku taala xadka Syria uu la wadaago wadanka Lubnan halkaasoo ka mid ah magaalooyinka ay ka jirto macluul daran.Magaaladaas waxaa maamula koox aha mucaaradka ah ee dawlada Syria ka kasoo horjeeda.

Q,M waxay sheegtay in dad tiradoo du lagu qiyaasay 400,000 oo ruux oo M/Madaya ay noloshoodu halis ku jir to una baahan yihiin gar gaar deg deg ah oo lala gaaro.

ANWAR C/QAADIR "MAGAALADA MUQDI SHO WAXAY CAAN KU NOQOTAY GAARIGA AGA INAAD QARAX KA RAADISO”

M/Muqdisho, ayaa waxaa ku soo ba danaaya qaraxyada lagu xiraayo gaadi idka gaarka loo leeyahay, iyadoona qaraxyadaasi lagu qaarajiyo xubnaha Dowladda ka tirsan iyo dadka kale ee ku dhow dhow.

Maalin ka hor waxaa gaarigeeda qarax miino loo gu xir ay Xaa wa Luul, Xoghayaha Maamulka Degmada Ka xda. Xaawa Luul ayaa gaarigeeda qar ax ku aragtay in loogu xiray, xilli ay do oneysay inay raacdo. Xaawa waxay degan tahay xaafadda Macalin Nuur Ee Degmada Dharkiin ley, waxaana la dhihi karaa si nasiib badan ayay kaga badbaaday qaraxa asi.

Anwar C/qaadir Cali oo ka mid ah dhalinyarada degan Magaalada Muq disho, ayaa sheegay in Caasimadda ay caan ku noqotay, inaad hubiso gaa rigaaga, bal in qarax laguugu soo xiray iyo in kale.

"Magaalada Muqdisho waxay caan ku noqotay gaarigaaga inaad qarax ka raadiso. Qof kasta gaarigiisa ayuu hub iyaa in qarax loogu xiray iyo in kale. Qofna gaarigiisa ma kaxeysto illaa uu ka hubiyo in qarax loogu xiray iyo in kale.” Ayuu yiri Anwar C/qaadir Cali.

Waxaa kaloo uu yiri "Marka ay dad ka baabuurta dhigtaan meelaha la dhi gto ee Parkingnada, iskama raac aan, marka hore way foorarsadaan, si ay u xaqiijiyaan in aan wax qarax ah loogu xirin. Nolol maalmeydka Magaalada ay ay ka mid noqotay.”

Anwar C/qaadir, ayaa ku waram aaya in laga wada siman yahay dadka caadiga ah iyo kuwa kale ee u shaqe eyaba Dowladda Somaliya, marka ay noqoto in gawaarida laga hubiyo qara xyada in lagu soo xiray iyo in kalaba.

"Qof caadi ahow ama Dowladda u shaqey waxaa laga wada siman yahay in baabuurta la wada hubiyo, waa da reen ku wada qufulan dadka reer Muq disho.” Ayuu yiri Anwar.Xubnaha Urur ka Al Shabaab ee sida qarsoon kaga hawlgala M/Muqdisho,ayaa qaraxyada ku rakiba gadid ka gaarka loo leyahay

Maraykanka oo diyaarado dagaal dul marsiiyay xadka ay wadaagaan Labada Kuuriya

Diyaarado dagaal oo Maraykanku leeyahay ayaa dul maray hawada xaduuda u dhaxaysa wadamada labada Kuuriya ayadoo ay jirto xiisad ka dhalatay bombkii ay dawlada Kuuriyada Waq ooyi tijaabisay.

Wararku waxay sheegayaan in diyaaradaha Maraykanka ee xaduuda dul maray oo ay ku jiraan nooca B 52 la yiraahdo iyo nooca waa weyn ee wax duqeeya ay dhoola tus la sameeyeen diyaarado dagaal oo ay dawlada Kuuriyada koofureed leedahay.

Warbaahinta gobolka qaarkood ayaa ku waramaya in diyaaradahaasi ku dhawaadeen xaduuda dhanka Kuuriyada waqooyi inkastoo ay markiiba ka laabteen.

Wakaaladda wararka u faafisa Kuuriyada koofureed ee Yonhap ayaa ku waramaysa in diyaaradaha Maraykanka ay ka dul kaceen markab dagaal oo taagan gacanka Kuuriya.

Xiisada ka dhalatay bombkii ay todobaadkii hore tijaabisay xukuumadda Pyongyang ayaa willi gobolka ka taagan waxaana Maraykanku doonayaa inuu isbahaysi la sameysto wadamada Kuuriyada waqooyi dariska la ah.

Maamulka Shibis oo ka hadlay Qaraxii ka dhacay Maanaboolyo..

Guddoomiyaha Degmada Shibis Ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Faahfaahin ka bixiyay Gaari Qarax lagu xiray oo Saaka ka dhacay Meel aan sidaa uga Fogeyn Isgooyska Maanaboolyo ee Degmada Shibis.

Guddoomiyaha Degmada Shibis Axmed Muumin Maxamed oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Gaariga Qaraxa lagu xiray uu lahaa Muwaadin Soomaaliyeed oo ka shaqeynayay Dek edda weyn ee Magaalada Muqdisho islamarkaana uu dhaawac ka soo gaaray Qaraxa.

Sidoo kale Qaraxa Dadka ku dhaawacmay ayaa waxaa ku jira Qof Shacab ah oo marayay meel u dhaw Halka uu Qaraxu ka dhacay.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay Shacabka Muqdisho in ay la shaqeeyaan Laamaha Ama anka Soomaaliya oo ay soo sheegaan Dadka falalka Ammaan daro ka wada Muqdisho.

Qadar Oo Kordhineysa Taageerada Dawladda Soomaaliya.

Mas’uuliyiin Ka Tirsan Dawlada Qadar Ayaa Sheegay In Dawlada Qadar Ay Sii Kordhineyso Taageerada Iyo Tababarada Ay Siineyso Dawlada Somaliya Si Loo Xoojiyo Dhismaha Hanaan Daw ladnimo Oo Xoogan, Waxaana Dawlada Qadar Ay Muujisay Sida Ay Ugu Faraxsan Tahay Hormar ka Dawlada Federalka Somaliya Ay Ka Sameysay Siyaasadda.

Mas’uuliyiinta Dawlada Qadar Waxa Ay Sheegeen In Somaliya Ay Ka Taageerayaan Sidii Loo Kordhin Lahaa Tababarada Shaqaalaha Wasaaraddaha Dawlada Iyo Dib U Dhiska Dalka, Wax aana Bartamaha Sanadkan Ay Dawlada Qadar Ay Sheegtay In Somaliya Ka Fulin Doono Mashaa riic Kala Duwan Oo u Badan Dib U Dhiska Dalka.

Dawlada Qadar Ayaa Waxa Ay Ka Mid Tahay Dawladaha Carbeed Ee Taageerada Dhinacya da Kala Duban Siiya Dawlada Somaliya, Waxaana Labada Dawladood Ay Leeyihiin Xiriir Wanaags an Oo Soo Jireen Ah.

Dhammaadkii Bishii December Ee Sanadkii Hore Ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibada Qadar Waxa Ay Fulisay Tababar La Siinayey 17 Diplomaasi Oo Ka Socday Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya.

JEESOW: ” KHAMIIS KA SOKOW UMA SOCONNO MAGAALADA JOWHAR”.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kana mid ah Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay shirka dhawaan ka furmaya Magaalada Jowhar ee maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Jeesow ayaa sheegay in dhankooda aysan haatan diyaar ahayn maadaama ay ku guda jiraan arrimo la xiriira Tacsidii Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif.

Hadalkaan ayuu sheegay Xildhibaanku xilli lagu waday in Maalinta Talaadada la furo Shirka Jowhar.

" annaga Khamiis ka sokow soo ma soconno, haddii hal Gobol loo qabanayo shirka waa me esheeda” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Sidoo kale Jeesow ayaa ka hadlay Tirada Ergada Reer Hiiraan uga qeyb galeyso shirkaasi ka dhacaya Jowhar oo illaa 50 gaareysa.

" naguma filna anaga waxan fileynay hadday u yaraato 3 diyaarad oo ay saaran yihiin 300 Ergo ayaa la idin soo diraa” ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa ah maamulka kaliya ee ka harsan hanaanka Federaa leynta dalka.Xigasho:shabeellenews.com

QM OO KA WALAACSAN IN CUDURKA SHUBAN BIYOODKA UU KU SII FIDO XERYAHA QAXOOTIGA SOMALIDA EE KENYA.

Warbixin Cusub Oo Ay Soo Saartay Hay’adda QM U Qaabilsan Arrimaha Qaxootiga Oo Mar ka Magaceeda Lasoo Gaabiyo Loo Yaqaano UNHCR Ayaa Waxaa Walaac Xoogan Looga Muujiyey In Xanuunka Kalooraha Uu Ku Sii Fido Xerada Qaxootiga Ee Adduunka Ugu Balaaran Ee Dha dhaab Oo Ku Taala Waqooyi Bari Dalka Kenya, Waxaana UNHCR Ay Sheegtay In Ay Ku Dadaale yso Sidii Loo Joojin Lahaa Fidinta Kalooraha.

UNHCR Waxa Ay Sheegtay In Dadka Hadda Xanuunka La Dhibaatoonaya Oo Tiro Ahaan Gaaraya Kun Ruux Laga Cabsi Qabo In Ay Sii Bataan Maalmaha Soo Aadan, Waxaana Xerada Dhadhaab La Geeyey Kooxo Gurmad Caafimaad Oo Gaar Ah Si Ay Ula Tacaalaan Dadka Kaloo raha La Xanuunsanaya.

Sargaal Sare Oo Ka Tirsan UNHCR Oo Lagu Magacaabo Cusmaan Yuusuf Axmed Ayaa Sabtidii Daraad Sheegay In Xerada Qaxootiga Dhadhaab Ee Dalka Kenya Ay Ka Jirto Xaalad Qatar Ah Waxaana Uu Meesha Ka Saaran In Ay Ka Gaabiyeen Wacyi Gelinta Qaxootiga Somaliyed Ee Ku Nool Waqooyi Bari Kenya.

Xanuunka Kalooraha Ayaa Waxa Uu Ka Dilaacay Xerada Dhadhaab Bishii November Ee Sanadkii Hore, Waxaana Xanuunkaasi La Xaqiijiyey In Ay U Dhinteen 10 Ruux Halka Dad Ka Badan Kun Kale Ay La ildaran Yihiin Xanuunkaasi, Waxaana Xerada Qaxootiga Dhadhaab Ay Hooy U tahay 350,000 "Sedde Boqol Iyo Kon Ton Kun Oo Qaxooti Somalida Ah”.

TAHRIIBAYAAL SOMALI OO LAGU QABTAY MAGAALLADDA DAR ES SALAAM

In ka badan 79 Shisheeye oo ay ku jiraan dad Somali ah oo si sharcidarro ugu shaqaysan jirey dalka Tanzania ayaa lagu soo qabtay Hawlgal ay Waaxda Socdaalka ka fuliyeen caasimadda dalkaasi ee Darasalaam.

Sarkaalka Waaxda Socdaalka ee Gobalka Darasalaam, John Msumule ayaa sheegay in Tahriibayaasha la qabtay ay u kala dhasheen 14Waddan, waxaana dadka lagu qabtay ku jirey 3 Somali ah, 20 u dhalatay Shiinaha, 23 Ethiopian ah iyo kuwo u kala dhashay dalal kale.

Sarkaalka waxa kale oo uu tilmaamay inay gacanta ku dhigeen 3 Mukhalasiin Tanzanian ah, kuwaasi oo lix gabdhood u dhoofin lahaa dal kale oo aan la shaacinin.

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR OO WACAD KU MARAY INUU KA SHAQEYNAYO HORUMARINTA AFKA SOOMAALIGA

Kulan aad u xiisa badan oo looga hadlayay sidii la isaga kaashan lahaa Daryeelka iyo Hor umarinta Afka Soomaaliga ayaa shalay lagu qabtay Xarunta Maamulka G/Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadii kulankaasi oo si weyn loo soo agaasimay ayaa dhinaca G/Banaadir waxaa ka soo qeyb galay Gudoomiyaha Gobolka ahna Duqa Magaalada Muqdisho Md, Yuusuf Xuseen Jimc aale, Gudoomiyaha Haweenka G/Banaadir Jawaahir Maxamed Baarqab iyo Masuuliyiin kale, halka dhanka Akadeemiyo Goboleedka Afka Soomaaliga ay ka socdeen Ruug cadaaga Cabdi Xaaji Goobdoon oo ka mid ah Madaxda Akadeemiyadaasi, Gudoomiyaha Somalipen ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya Cabdinaasir Yuusuf Macalin iyo xubno kale oo matalayay qeybaha kala duwan ee Akadeemiyadaasi.

Munaasabadii kulankaasi oo ku bilaabatay jawi aad u degan ayaa Gudoomiyaha G/Banaadir waxaa halkaaasi lagu gudoonsiisay Dhambaal Qoraal ah oo isugu jiray Hambalyo ku saabsan hawlaha uu Gudoomiyuhu durbaba ka qabatay Magaalada Muqdisho iyo Tallooyin ku aadan sida lagu hormarin karo Afka Soomaaliga.

Dhambaalka loo gudbiyay Md Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa waxaa ku saxiixnaa Gudoomiy aha Akadeemiyo Goboleedka AfSoomaaliga (Aga) Prof Maxamed Daahir Afrax, waxaana Qoraa lkaasi Duqa Magaalada Muqdisho loogu codsaday inuu bixiyo Amar Sharciyeed qasab ka dhigaya in Magacyada Tabeelayaasha Magaalada Muqdisho lagu qoro AfSoomaali iyo in Degmooyinka G/Banaadir laga bilaabo Barnaamij Waxbarasho oo bulshada lagu barayo Qorista iyo Akhriska Afka Soomaaliga.

Gudoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho Md, Yuusuf Xuseen Jimcaale oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu si diiran u soo dhaweynayo Tallooyinka ay u soo jeediyeen Maamulka Akadeemiyada, wuxuuna balan qaaday inuu u hawl gali doono sidii loo meel marin lahaa Tal looyinkaasi, isagoo dhanka kale ku celceliyay inuu wax walba ka hormarin doono Daryeelka, Hor umarinta, Illaalinta iyo Halabuurka Af Soomaaliga.

Ruug cadaaga Cabdi Xaaji Goobdoon oo ku hadlayay magaca Akadeemiyada ayaa ku nuux nuuxsaday in Akadeemiyadu ay ku bogaadinayso Gudoomiyaha G/Banaadir siduu uga soo dhalaalay hawlahii loo ikmaday , wuxuuna hoosta ka xariiqay in Magaalada Muqdisho ay sharaf u heshay in laga furo Xaruntii Akadeemiyada, isagoo dhanka kale ka codsaday Duqa Magaalada in uu ka qeyb qaato Xuska Afka Soomaaliga ee 21ka Janaayo iyo Munaasabadda Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka hooyo oo ku astaysan 21ka Febraayo.

Dhawaan ayay Akadeemiyadu Shahaadooyin gudoonsiisay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeya Gaas Maxamed Sh. Xasan Xaamud halka Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka S/Gaas Maxamed Aad an Axmed la gudoonsiiyay Dhambaal Qoraal ah oo Akadeemiyadu ay ku taageerayso go’aankii Tali yaha ee ku saabsanaa in Askari walba uu barto Afka Soomaaliga.

WASIIR HADLIYE OO KA QEYB GALAYO SHIRKA AAN CAADIGA AHAYN EE WASIIRADDA ARRIMAHA DIBEDDA EE URURKA JAAMACADDA CARABTA.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Xukuumadda Federalka, C/salaam Cumar Hadliye ayaa gaaray magaallomadaxda dalka Masar ee Qaahira.

Wasiirka waxa uu ka qeyb geli doonaan Shirka Degdegga ee Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Dowladaha ku jira Ururka Jaamacadda Carabta goor dhow uga furmi doona Xarunta Dhexe ee Ururkaasi oo ku taalla Qaahira.

Kulankaasi ayaa loogawada hadli doonaa Falkii ay Iiraaniyiinta ku weerareen, kuna gubeen Dhismaha Safaaradda Sacuudiga ku leedahay caasimadda dalkaasi ee Tehraan iyo Qunsuliyaddii ay ku lahaayeen magaalladda Mashhad ee dalka Iiraan.

Kulanka ayaa looga dan leeyahay in Dowladda Sacuudiga loogu muujiyo Taageero Diplo maasiyadeed, laguna ayidsan yihiin Go’aankii ay ku gaartay inay Dowladda Iiraan u jaraan Xiriirka Diplomaasiyadeed.

Dowladaha Somalia, Jabuuti, Sudan, Baxrayn, Qatar iyo kuwo kale ayaa xiriirkii Diplomaas iyadeed u jaray Dowladda Iiraan.

SHIRKII MADASHA WADATASHIGA OO BERI KA FURMAYA KISMAAYO IYO WUFUUD KALA DUWAN OO HALKAASI GAARAY

Ayadoo la filayo in maalinta berito ah uu magaalada Kismaayo si rasmi ah uga furmo shirka madasha wadatashiga qaranka ee doorashooyinka dalka ka dhici doona sanadkan, ayaa waxaa shalay Kismaayo gaaray wufuud kala duwan oo ka socotay beesha caalamka, dowladda Soo maaliya iyo dowlad goboleedyada.

Wufuudda Kismaayo gaaray waxaa kala hogaaminay, Raysul wasaaraha Soomaaliya mud ane Cumar C/rashiid, Madaxweynaha Puntland C/weli Max’ed Cali Gaas, Madaxweeynaha Galmu dug C/kariin Xuseen Guuleed, madaxweeynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, wasiirka arimaha dibadda Itoobiya Tedros Adhenon, Wakiilka Ururka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Max'ed Cabdi Afeey iyo wakiillo ka socday Midowga Yurub. Garoonka Kismaayo ayaa shalay ahaa mid aad u mashquul badan, ayadoo ay si isdaba joog ah usoo dagayeen diyaarado sida wufuud ka la duwan oo ka qeybgali doonta shirka looga tashanayo aayaha Soomaaliya iyo doorashooyinka dalka ka dhici doona sanadkan.

Madaxdan oo qaarkood garoonka diyaaradaha warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in ay u yimaadeen si ay uga qeybqaataan shirka looga tashanayo aayaha Soomaaliya.

Madaxda dowlad goboleedyada dalka ka jira ayaa ku kala aragti duwan nidaamka lagu sale eynayo doorashooyinka la filayo in dhammaandka sanadka ay ka dhacaan Soomaaliya.

Qaar kamid ah dowlad goboleedyada ayaa taageersan in doorashooyinka lagu saleeyo hab degmo, halka qaar kalena ay aaminsanyihiin in ay haboontahay in doroashada lagu saleeyo hab beeleedkii ay Soomaalidu wax ku qeybsan jirtay burburkii kadib ee 4.5, waxaana la filayaa in shirka Kismaayo lagu gaaro go'aan kama danbeys ah.

MAAMULKA GOBOLKA SH/DHEXE OO KU EEDEEYAY WASAARADA WAXBA RAASHADA INAY MUSUQMAASUQDAY DEEQO WAXBARASHO

Maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa ku eedeeyay Wasaarada Waxbarashada ee dowlada Federalka inay musuqmaasuq daydeeqo waxba rasho oo ay lahaa ye en arday da gobo lka Sh/ dhe xe.

Shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay mag aalada Jow har guddo omiye ku xigeenka arrimaha bul shada maamulka gobo lka Sh/dhexe Muxumad Sugaal Cabdi ayaa ku sheegay in wasaarada waxbara shada ay caadeysatay in ay musuqmaasuqdo deeqaha ardayda ee lahaayeen ardayda gobolka Sh/dhexe.

"Waxa aan ka codsanaynaa Madaxweynaha ,Ra’iisal wasaaraha dalka Soomaaliya & Gu doonka Baralamaanka inay wax ka qabtaan musuqmaasuqa lagu sameeyo marwalba ardayda gob olka Sh/dhexe iyadoo ay tahay tii saddexaad oo ay wasaaradu ku sameyso gobolka Sh/dhe xe.”ayuu yiri Muxumad Sugaal Cabdi oo ah guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Sh/dhexe. Sidoo kale waxa uu sheegay guddoomiye ku xigeenka gobolka inay doonayaan xuquuq la mid ah xuquuqda ardayda kale ee dalka inay helaan ardayda gobolka Sh/dhexe.

"Marwalba in la musuqmaasuqo ardayda gobolka Sh/dhexe oo ah arday aqoontoodu wanaagsan tahay buundooyin fiicana ka keena imtixaanada dalka in mar walba aysan helin xuquuqdooda, ee waa in madaxda sare ee dalka la xisaabtanto wasaarada waxbarashada oo mar walba caadeysatay inay xuquuqda ardayda gobolka duudsiso.”ayuu yiri Muxumad Sugaal Cabdi.

Waa markii ugu horeysay ee maamulka gobolka Sh/dhexe uu cabasho ka keeno mid ka mid ah Wasaaradaha dalka halbowlaha u ah sida waxbarashada,hase yeeshee xiriiro aan la sameynay wasaarada waxbarashada ayaa suurtogeli weyday in ay aan helno mas’uul ka jawaaba eeda loo soo jeediyay Wasaarada Waxbarashada. Xigasho.jowhar.com

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip