Shirkii Madasha wadatashiga oo beri ka furmaya Kismaayo iyo wufuud kala duwan oo halkaasi gaaray

0
Sunday January 10, 2016 - 20:25:32 in Wararka by
  • Visits: 862
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii Madasha wadatashiga oo beri ka furmaya Kismaayo iyo wufuud kala duwan oo halkaasi gaaray

    Ayadoo la filayo in maalinta berito ah uu magaalada Kismaayo si rasmi ah uga furmo shirka madasha wadatashiga qaranka ee doorashooyinka dalka ka dhici doona sanadkan, ayaa waxaa maanta Kismaayo gaaray wufuud kala duwan oo ka socotay beesha caalamka,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ayadoo la filayo in maalinta berito ah uu magaalada Kismaayo si rasmi ah uga furmo shirka madasha wadatashiga qaranka ee doorashooyinka dalka ka dhici doona sanadkan, ayaa waxaa maanta Kismaayo gaaray wufuud kala duwan oo ka socotay beesha caalamka, dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada.
Wufuudda Kismaayo gaaray waxaa kala hogaaminay, Raysul wasaaraha Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid, Madaxweynaha Puntland C/weli Max’ed Cali Gaas, Madaxweeynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, madaxweeynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, wasiirka arimaha dibadda Itoobiya Tedros Adhenon, Wakiilka Ururka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Max'ed Cabdi Afeey iyo wakiillo ka socday Midowga Yurub.
Garoonka Kismaayo ayaa maanta ahaa mid aad u mashquul badan, ayadoo ay si isdaba joog ah usoo dagayeen diyaarado sida wufuud kala duwan oo ka qeybgali doonta shirka looga tashanayo aayaha Soomaaliya iyo doorashooyinka dalka ka dhici doona sanadkan.


Madaxdan oo qaarkood garoonka diyaaradaha warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in ay u yimaadeen si ay uga qeybqaataan shirka looga tashanayo aayaha Soomaaliya.
Madaxda dowlad goboleedyada dalka ka jira ayaa ku kala aragti duwan nidaamka lagu saleeynayo doorashooyinka la filayo in dhammaandka sanadka ay ka dhacaan Soomaaliya.
Qaar kamid ah dowlad goboleedyada ayaa taageersan in doorashooyinka lagu saleeyo hab degmo, halka qaar kalena ay aaminsanyihiin in ay haboontahay in doroashada lagu saleeyo hab beeleedkii ay Soomaalidu wax ku qeybsan jirtay burburkii kadib ee 4.5, waxaana la filayaa in shirka Kismaayo lagu gaaro go'aan kama danbeys ah.
thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail
XIGASHO:-HIIRAAN.COM



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip