Sergio Ramos oo Fariin Raali galin ah u diray Da,yarka Madrid Reguilon
Kabtanka kooxda Real Madrid Sergio Ramos ayaa fariin raali galin ah u diray da,yarka Los Blancos Ciyaaryahan Reguilon.
Tababarkii maanta ay sameeysay kooxda Madrid si wanaagsan kuma uusan dhamaanin maadaama Carada Ramos ay aheeyd mid banaanka timid.
Waxaa dhacday in kubad gacan ay kuwa ciyaarayeen dhamaan ciyaartooyda Real Madrid markasta oo Kubadda ay gaarto Ramos waxaa kubadda ka qaadanayey ciyaaryahan Reguilon.
Raacashada Reguilon waxaa ka xanaaqay Ramos kaasi oo xitaa Dhowr jeer kubadd xoogan ku darbeeyay ciyaaryahanka da,da inkastoo markii dambe uu ka baxshay raali galin oo bartiisa Twitterka uu ku raali galiyay ciyaaryahan Reguilon.
Dhanka kale Reguilon ayaa isagana aqbalay raali galinta kaga timid Ramos waxaana uu ugu jawaabay markasta waxaan garab taaganahay kooxda iyo kabtanteeyga aan guuleeysano kulanka birri.
Sergio Ramos oo Fariin Raali galin ah u diray Da,yarka Madrid Reguilon
Kabtanka kooxda Real Madrid Sergio Ramos ayaa fariin raali galin ah u diray da,yarka Los Blancos Ciyaaryahan Reguilon. Tababarkii maanta ay sameeysay kooxda Madrid si wanaagsan kuma uusan dhamaanin maadaama Carada Ramos ay aheeyd mid banaanka timi