Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka
War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in XildhibaanXuseen Warsame uu ka mid ahaa xubnaha sida weyn uga soo shaqeeyey dib u heshiisiinta, mar bandanna naftiisa ay khatar u gashey isagoo gudanayaa waajibaadkiisa qarannimo ee nabad raadinta iyo dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Baarlamaanka iyo shacabkuba ay tebi doonaan hawshii wanaagsaneyd ee uu qaranka u hayey.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Xildhibaannada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geeridii ku timid Allaha u naxariistee Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga dastuurka ee Baarlamaanka Marxuum Xuseen Warsame Samatar oo ku geeriyooday dalka Turkiga, halkaasi oo uu ku xanuunsanaa muddooyinkan dambe.
"Innaa Lillaahi waa Innaa Ileyhi Raajicuun. Marxuumka Allah u naxariisto. Waxaa uu ahaa nin waddankiisa u soo shaqeeyay, mar walbana ku haminayey inuu arko Soomaaliya oo mideysan, nabad ah, kana soo kabatey burburkii ku dhacay. Waxaa uu ahaa nin si wanaagsan uga dhex muuqdey baarlamanka’’. ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.
Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii, Baarlamanka Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, geeridii ku timid Marxuum Xuseen Warsame Samatar oo ka tirsanaa Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.