Maxaad ka taqaanaa Taariikhda Madaxweyne Putin-ka Ruushka?

0
Monday October 22, 2018 - 20:18:10 in Wararka by
  • Visits: 718
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad ka taqaanaa Taariikhda Madaxweyne Putin-ka Ruushka?

    Madaxweynaha Ruushka magaciisa oo dhameystirian waa Vladimir Vladimirovich Putin waxa uuna 7 October 1952 ku dhashay Magaalada Leningrad ee dalkaasi Ruushka, Putin waxaa la dhashay labo wiil uu isagu ugu yaraa, nasiib xumase waxaa ay dhinteen wax yar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Ruushka magaciisa oo dhameystirian waa Vladimir Vladimirovich Putin waxa uuna 7 October 1952 ku dhashay Magaalada Leningrad ee dalkaasi Ruushka, Putin waxaa la dhashay labo wiil uu isagu ugu yaraa, nasiib xumase waxaa ay dhinteen wax yar uun ka dib dalashadiisa, Hooyadiisu waxay aheyd shaqaalle Warshad ku taalay Magaalada uu ku dhasahay halka aabihiisana uu ahaa xubin kamid ah ciidamada Milateriga Dalkaasi. Putin waxa uu kuliyada sharciga ka bartay Jaamacada Leningrad State University, waxa uuna ka qalin badashay sanadii 1975, waxaana la sheegey in qalin jebintiisa ka dib uu ku biiray ciidamada sirdoonka dalkaasi ee loo yaqaano KGB halkaasi oo uu ka shaqeynaayay muddo 16 sano ah, waxa uu ahaa sirdoon qaabilsan arrimaha dibeda iyadoo uu wadamo badan uu kasoo shaqeyeeyay ka hor inta uu shaqadaasi isaga soo tagin dabayaaqadii sanadii 1991.

Waxa uu siyaasada kusoo biiray sanadkii 1996 isagoo lasoo shaqeeyay maamulkii xiligaasi dalkaasi ka talinaayey ee uu Madaxweynaha ka ahaa Boris Yeltsin, saddex sano dabadeedna waxa uu noqday Madaxweynaha Dalkaasi Ruushka waa 31 December 1999, xilkaasi oo uu iska casilay madaxweynihii xilka kaga horeeyey Mudane Boris.

Quburada dhanka Dhaqaalaha ayaa sheegey in sideedii sano ee ugu horeysay muddo xileedkii Madaxweyne Putin in dhaqalaaha dalkaasi uu kobcay 72%, waxaana la sheegey in wax badan uu ka qabtay dhanka dhaqaalaha dalkaasi, sidoo kale bilaawgii Madaxweyninimadiisa waxa uu xooga saaray casrisyeenta qalabka kala duwan ay ciidamadda dalkaasi ku howl geli jireyn ka hor inta uusan xilka qaban, waxaana la aaminsanyahay in uu ka faa’iideystay qibradiisada dhanka ciidamada uu u leeyahay madaama uu in muddo ah ku guddo jiray hanaanka ciidamadda dalkaasi isagoo darajada Korneyl ka gaaray inta uu ciidamada dalkaasi kamid ahaa.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa lix sano oo hor leh la doortay biishii march ee sanadkaan waxa uuna doorashadaasi ku guuleystay codad gaaraya 76%, inkastoo qolyaha mucaaradka dalkaasi ay aad u dhaliileyn habsami u socodka doorashadaasi.

Waxaa lagu xasuusan doonaa Madaxweyne Putinka Ruushka go’aamada adag ee uu had iyo jeer uu ka qaato Mareykanka iyo xulufadiisa.



WD:Ayuub Maxamed Axmed



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip