Soomaali cudur Kalooraha ugu geeriyootay Xerada Qaxootiga Dhadhaab
Hay'adda QM ayaa ku dhawaaqday in tobaneeyo qof oo Soomaali ah ugu yaraan ay cudurka Kalooraha ugu geeriyoodeen Xerada Dhadhaab halka ay la ildaran yihiin Kun Qof cudurkaasi.
MSF158860 Xerada Dhadhaab ayaa lagu tiriyaa mida ugu weyn xeerooyinka qaxootiga caalamka taa oo ku taal waqooyi bari dalka Kenya.
Cusmn Yusuf Axmed oo ka mid ah mas’uliyiinta Hay’adda qaxootiga QM ayaa sheegay in baahida cudurkaan uu soo bilowday bishii November sanadkii tagtay, xerada waxaa ku jira dad gaaraya 350,000-qof.
QM ayaa bixinayso wax waliba oo dadaal oo lagu xakeemanayo faafida cudurkaasi, iyadoo Qaxootiga Soomaliya ee tagay Dadaab iyagoo dhowr dufca ah sanadkii 1991-kii markii ay dalkooda uga soo carareen dagaalka sukeeye iyo abaartii wadanka soo martay.
Soomaali cudur Kalooraha ugu geeriyootay Xerada Qaxootiga Dhadhaab
Hay'adda QM ayaa ku dhawaaqday in tobaneeyo qof oo Soomaali ah ugu yaraan ay cudurka Kalooraha ugu geeriyoodeen Xerada Dhadhaab halka ay la ildaran yihiin Kun Qof cudurkaasi. MSF158860