DIYAARAD SIDA MADAXWEYNE IYO LACAG!!!. FacebookTwitterGoogle+Share

0
Sunday October 21, 2018 - 19:56:13 in Wararka by
  • Visits: 720
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DIYAARAD SIDA MADAXWEYNE IYO LACAG!!!. FacebookTwitterGoogle+Share

    Md. Cali Cabdullahi Cosoble oo Hirshabeele Madxweyne ka ah ayaan ogaa, Mooshin iyo Lacag ka dib Md. Maxamed Cabdi waare, ayaa dig soo yiri. ( FS: 1 &2aad).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Md. Cali Cabdullahi Cosoble oo Hirshabeele Madxweyne ka ah ayaan ogaa, Mooshin iyo Lacag ka dib Md. Maxamed Cabdi waare, ayaa dig soo yiri. ( FS: 1 &2aad).

Annigoo la yaaban midaa hore, kuna ogaa Md. Axmed Ducaale Xaaf, Madaxweynaha Galmudug ayaa hadana mar kale Dayaarad sida Mootion iyo Lacag kadib galabtana Md. Axmed Maxamed Baasto, dig soo yiri.( FS: 3 & 4aad).

 

Galmudug asaaskii dhismaheedii hore khalad badan ayaa ku jiray, waa sax in la toosiyo waa la isku dayay dhowr jeer, waxaa ugu dambeeyay walaalaheena Reer Jabuuti, intii sixitaankii socday ayaa hadana dib loo celiyay.

kuwa Madaxweynanimada isku heysto iyo kuwa Lacagta daabulo annigu qof ahaan ma arkin ismana naqaan, Laakin waxaan arkay qaar badan oo ka mid ah Culumada iyo Aqoon yahanka Galmudug oo la nool dadka deegaanka waxaa iiga muuqday in ay rabaan in arrinta Galmudug lagu xaliyo gudaha gobalka, lana saxo khaladaadkii hore u dhacay, lagana daayo faragalinta siyaasadeed, Qalbigooda Allaa og, laakin aniga sidaas ayey igu yiraahdeen.( FS: 5aad -Sh.Shaakir iyo Dr. Daacad).

Galmudug Mooshin iyo Lacag Kor laga keeno, Ma ku dagee? Goballada kale ee dalka iyagana waa lagu tijaabinayaa habkaan ah Dayaarad wada sido Musharax iyo Lacag.

Su’aashu waa, Nidaamka sidaan lagu dhiso ma u shaqeeynaa bulshada?.

waxaan soo xauustay maahmaahdii Xaaji Muuse Jugweyn AUN ee aheeyd: ( Maroodi nin waa dibriyaa "lagdaa” isagoowse dhul ku heyn karabaa). Galmudug Madaxweyne waa loo magacaabi karaa, ciddii u magacaawdo ayuuse ku heeyn ka rabaa.

Waxaa jirta murti aheyd: (waad heli karta Qalin aad ku qorato Taariikhda berito, laakin ma heleeysid Tirtire aad ku masaxdo Taariikhdii shalay). wixii dhacay xumaan iyo wanaagba waa dheceen taariikhda ayeyna galeen. Wax cusub waa keeni kartaa, laakin taariikhdii Galmudug ee shalay ma tirtiri kartid.

Somaliya, Waxaan leheyn 6 Madaxweyne, hadda waa noo bateen waxaan leenahay 7 Madaxweyne, waxaan sugeynaa in 6dii midba mid kale soo hoos baxo oo 12 madaxweyne aan yeelano. waana bilawga in dadweynaha laga sii jeediyo Siyaasadda iyo danaha heer Qaran oo ey ku mashquulaan siyaadda raqiista ah ee heer gobal, tii horuu socodka Qaranka iyo la macaamilka Caalamkuna ey Cilin Noqoto, Aaway mustaqbalkii Ummaddu?. Ar annagaa yaabnay,!!!!!!!!. Allow tubta toosan nagu toosi.

FG: Madaxda is bedbedeleyso, midna kama aqaan,laakin waxa dhacayo ayaa sidaan iila muuqdo, waa suura gal in aanan wax badan ka fahmin annigu waxa socdo, iga sax wixii aan ku khaldanahay, waadna ku mahadsan tahay.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip