Barcelona oo Kusoo laabatay Hogaanka horyaalka La Liga Kaddib guul Muhiima oo ay ka Gareen Sevilla+SAWIRRO
( La Liga ) 21 Okt 2018.Kooxda Barcelona ayaa dib ugu soo laabtay wadada guusha kaddib afartii dheel ee ugu dambeysay oo aysan guuleysan markii ay 4-2 kaga adkaadeen dhigeeda Sevilla.
Qeybta hore kulanka ayaa lagu kala maray 2-0 oo ay ku hogaanimeysay Barca, waxaana goolka daah furka dhaliyay Philippe Coutinho markii cayaartu socotay kaliya 2-daqiiqo.
Lionel Messi oo dheesha looga saaray dhaawac kasoo gaaray gacanta ayaa goolka labaad u dhaliyay markii kubbad uu si wacan kaga soo shaqeeyay uu dhaafiyay goolhayaha.
Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha labaad naadiga martida ayaa xogaa muujsay gacan sare laakiin Barcelona ayaa markale hogaanka sii dhereysatay kaddib kubbad gool kulaada uu dhaliyay Luis Suarez.
Goolka kowaad ee Sevilla ayaa yimid waxaana dhaliyay Pablo Sarabia oo darab xoogan uu tuuray ay ku dhacday mid kamida daafaca Barcelona.
Gabagaba dheesha Barcelona ayaa la timid goolka afaraad waxaana kubbad aan dhulka dhicin goolka ku hubsaday xiddiga Ivan Rakitic.
Waxaana ugu dambeyn ay dheesha kusoo idlaatay 4-2 markii kooxda martida ay goolka labaad dhaliyeen waqtigii dheeriga ee kulanka lagu daray.
Barcelona oo Kusoo laabatay Hogaanka horyaalka La Liga Kaddib guul Muhiima oo ay ka Gareen Sevilla+SAWIRRO
( La Liga ) 21 Okt 2018.Kooxda Barcelona ayaa dib ugu soo laabtay wadada guusha kaddib afartii dheel ee ugu dambeysay oo aysan guuleysan markii ay 4-2 kaga adkaadeen dhigeeda Sevilla. Qeybta hore kulanka ayaa lagu kala maray 2-0 oo ay ku hogaanimeys