Natiijooyinkii kullamadii sabtida ee horyaalka Premier League-ga iyo rikoorradii laga diiwaan geliyay!
Manchester City 5-0 Burnley
David Silva ayaa Aguero ka caawiyay 20 gool dhammaan tartamada, waana xiddigga ugu badan ee gool ka caawiyay gool-dhaliyaha ugu sarreeya City.
Man City lagama adkaanin 34-tii kullan ugu dambeysay ee ciyaartoodu ay billaabatay 3-da galabnimo xilliga Ingiriiska, waana rikoorka guuldarro la’aan ee ugu dheer in hal waqti la ciyaaro.
Huddersfield Town 0-1 Liverpool
Mohamed Salah ayaa dhaliyay goolkiisii 50-aad ee uu u dhaliyo kooxaha Ingiriiska, waxaana ay ku qaadatay keliya 83-kullan.
Liverpool ayaa afar ku noqotay kooxaha bannaanka garoonkooda kusoo gaaray 200 oo guul, waxaana kaga horreeyay Manchester United, Chelsea iyo Arsenal.
Waxa ay Liverpool ka mid tahay saddexda kooxood ee aan weli dhinacooda dhulka la dhigin waxaana ku wehliya Chelsea iyo Manchester City iyadoo sagaal kullan la ciyaaray horyaalka, waana markii saddexaad ee taariikhda, Reds-na saddexda jeer qayb ayay ka ahayd dhacdoodiyaankaas (1978-79, 1990-91 iyo 2018-19).
Natiijooyinkii kullamadii sabtida ee horyaalka Premier League-ga iyo rikoorradii laga diiwaan geliyay!
Chelsea waa guuldarro la'aan 64 kullan oo Premier League-ga ku ciyaareen Stamford Bridge iyagoo qaybta hore hooggaanka la nastay, markii ugu dambeysay ee guuldarro soo gaarto iyagoo qaybta hore ciyaarta hooggaanka hayay waxa ay ahayd October 201