Madaxweyne Muuse Biixi oo eedeyn u jeediyay Hoggaanka Xisbiyada Mucaaridka ah
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu hoosta ka xarriiqay in dhammaanba qorshayaashii lagu hirgelinayey inay doorashooyinkaasi qabsoomaan uu xisbiga WADDANI si cad isu hor taagay, carqaladayntaasina kasoo bilaabantay khudbaddii uu guddoomiyaha xisbigaas, Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) jeediyey markii lagu dhaqaaqay natiijadii doorashadii madaxweynenimada ee dalka ka qabsoontay sannadkii hore ee 2017-kii, waxana uu yiri, "Wixii intaas ka dambeeyey xisbiga WADDANI waxa uu saaray qaraar uu leeyahay la shaqayn maynno komishankaas jooga iyada oo la kala diro mooyaane, sababtoo ah doorashadii hore ee madaxweynaha ayaannu wax ka tirsanaynaa”
Muuse Biixi, waxa uu xusay inaanu madaxweyne ahaan awood u lahayn inuu kala diro komishanka doorashooyinka, balse ay arrintaasi sharci ahaan marayso jaran-jarrooyin badan oo u baahan caddaymahooda iyo qaneecadooda, islamarkaana uu madaxweyne ahaan hore u qaaday tallaabooyin badan oo lagaga badbaadi karo dib u dhac doorasho, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yiri, "Komishanku waqti buu leeyahay, aniguna ma kala eryi karo, Cirro-na wuu u ogyahay sida loo eryo komishanka, waana waddada ugu adag oo iyagaa Baarlamaanka ka adag, marka la kala dirayona iyaga oo isku dhan lama kala diri karo, mid mid baa eryi karaa, qofkana waa lasoo eedaynayaa, guddi baa loo saarayaa, haddii ay guddidaasi isku raacdo madaxweynuhu tallaabo ma qaadi karee Baarlamaankaa loo gudbinayaa, cod baana loo qaadayaa, guddida la saarayo iyo aniga oo guddida la leeyahay saarba waa inaan ku qancaa waxa lagu soo eedeeyey, tii ahayd inay xisbiyadu soo qoraan wixii xumaaday iyo wixii wanaagsanaaba xisbiga WADDANI wuu diiday inuu asalba arrintaas ka hadlo, UCID iyo KULMIYE way qoreen, ururrada bulshadana waa lagu daray, anigana waa la ii keenay oo golaha wasiirrada ayaan geeyey, waana la ansixiyey, imikana waxa ay la taallaa Baarlamaanka.”
Madaxweyne Muuse Biixi oo eedeyn u jeediyay Hoggaanka Xisbiyada Mucaaridka ah
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta shir jaraa'id ku qabtay xarunta qasriga madaxtoyada Somaliland, waxa uu hadalkiisa diiradda ku saaray arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee qorshaysan sanadka soo socd