DHAGEYSO: Dowladda Sacuudiga oo dilkii Wariye Khashoggi kala kulantay Fadeexad weyn

0
Saturday October 20, 2018 - 19:39:43 in Wararka by
  • Visits: 280
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DHAGEYSO: Dowladda Sacuudiga oo dilkii Wariye Khashoggi kala kulantay Fadeexad weyn

    Dowladda Boqortooyadda Sucuudiga waxa ay qiratay dilkii Wariye Jamaal Khashuuqji oo noqday dhacdadii ugu weyd ee la hadal haayay maalmihii lasoo dhaafay ka dib markii dowladda Sacuudiga la sheegay in wariyahaasi ay ku dhex dishay gudaha qunsuliyadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Boqortooyadda Sucuudiga waxa ay qiratay dilkii Wariye Jamaal Khashuuqji oo noqday dhacdadii ugu weyd ee la hadal haayay maalmihii lasoo dhaafay ka dib markii dowladda Sacuudiga la sheegay in wariyahaasi ay ku dhex dishay gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee Magaalada Istanbuul. Sacuudiga ayaa ugu dambeyntii xalay qiray in wariyaha lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbuul,laakiin wali lama hayo Meydkiisa,taasoo ka dhigeysa in la jarjaray sidii horay u sheegeen Saraakiil turkish ah oo Baritaano waday.

Qirashadda Sacuudiga ayaa timid ka dib markii ay la kulantay Caddaadis Ballaaran oo ku aadan dhanka Dhaqaallaha Markii Shirweyne Maalgashi oo lagu qaban lahaa Sacuudiga ay diideen in ay ka qeyb galaan ,Ganacsato waa weyn,dowladdo iyo Shirkado Caalami ah.

Haddaba dowladda Sacuudiga Maxay ka dhigan tahay qirashadeeda, ma joojin doontaa Caddaadiskii lagu haayay, waxaa arintaan ka wareysanay Wariye Cabdalla Muumin oo ku sugan Nairobi oo ah Wariye si weyn ula socda Fadeexadda hadda soo wajahday Sacuudiga.

Audio Player
xigasho:-radiorisaala.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip