La Liga: Hordhaca kullanka Barcelona vs Sevilla iyo Dagaalka hooggaanka!

0
Saturday October 20, 2018 - 19:32:57 in Wararka by
  • Visits: 288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    La Liga: Hordhaca kullanka Barcelona vs Sevilla iyo Dagaalka hooggaanka!

    Barcelona ayaa xilli ciyaareedkan kullamadii hore ku billaabatay dardar xooggan, iyadoo wada adkaatay lixdeedii kullan ee ugu horreysay xilli ciyaareedka. Laba guul ayay sidoo kale kasoo hoysay Champions League-ga, hase ahaatee, afar kullan oo ays

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barcelona ayaa xilli ciyaareedkan kullamadii hore ku billaabatay dardar xooggan, iyadoo wada adkaatay lixdeedii kullan ee ugu horreysay xilli ciyaareedka. Laba guul ayay sidoo kale kasoo hoysay Champions League-ga, hase ahaatee, afar kullan oo aysan wax guul ah ka gaarin La Liga ayaa calaamad su'aal saartay xilli ciyaareedka Barca siduu noqon karo.

Dhanka kale Sevilla ayaa ku jirta mid ka mid ah xilli ciyaareedyadeedii ugu xiisaha badnaa sanadahii dambe, taasoo mahad gaar ah ay uga celinayaan macallinkooda dhallinyarada ah ee Paplo Machin.

Xiddigaha labada koox ka maqnaan kara iyo kuwa shakiga uu ku jiro

Barcelona waxaa dhaawacyo kaga maqnaan doonaan xiddigaha kala ahSamuel Umtiti, Malcom, Thomas Varmaelen, Denis Suarez,Sergi Samper iyo Carles Aleñá.

Halka Sevilla ay ka maqanyihiinMaxime Gonalons iyo Ibrahim Amadou, iyadooSergio Escudero, Gabriel Mercado shaki laga gelinayo taam ahaanshahooda.

Safafka macquulka ah ee kusoo billaaban kara

Barcelona: Ter Stegen; Semedo, Piqué, Umtiti, Alba; Rakitic, Busquets, Arthur; Messi, Suárez, Coutinho

Sevilla: Vaclik; Carriço, Kjaer, Gómez; Navas, Sarabia, Banega, Vázquez, Arana; André Silva, Ben Yedder.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip