Chelsea Vs Man United-Xaqiiqooyinka, Shaxaha Macquulka ah
Chelsea ayaa kulankan iskeenaysa iyada oo ku jirta xaalad caafimaad qab iyo kalsooni buuxdaa ku dheehan tahay kadib markii ay noqotay kooxda kaliya ee Premier league ka ciyaarta ee aan ilaa hadda xili ciyaareedkan wax guuldaro ah soo arag tartamada oo dhan.
Chelsea ayaa haysata 20 dhibcood oo Premier league ay kaga soo shaqaysatay siddeedii kulan ee ugu horeeyay waana 6 guulood iyo 2 barbaro ah iyada oo si wada jir ah dhibco ula wadaagta kooxaha Liverpool iyo Manchester City, waana kulan muhiimad khaas ah u leh saddexda kooxood ee kaalinta kowaad isku haysta.
Jose Mourinho ayaa dib ugu soo laabanaya Stamford Bridge oo kulankiisii ugu horeeyay ee Man United uu ceeb wayn kala soo kulmay wuxuuna markan rajaynayaa in uu natiijo fiican ka soo helo inkasta oo uu walwal badan ka qabo in ceeb kale oo dhabar jab ahi ay ka soo gaadhi karto kooxda uu Sarri horumarka fiican ku sameeyay.
XOGTA KULANKA:
Tartanka:Kulanka 9 aad ee Premier League
Kulanka:Chelsea Vs Man United
Garoonka:Stamford Bridge
Waqtiga:2:30 Saacada Barriga Afrika
Garsooraha:Mike Dean
Chelsea Vs Man United-Xaqiiqooyinka, Shaxaha Macquulka ah
Chelsea ayaa Stamford Bridge ku soo dhawanaysa kooxda uu macalinkoodii hore ee Jose Mourinho hogaaminayo ee Manchester United kulanka ka tirsan todobaadka 9-aad ee Premier league waxayna labada kooxood kulankan iskeenayaan iyaga oo ku jira laba xaala