DHAGEYSO: Farmaajo oo loo qabtay Saddex Maalin in uu jawaab uga bixiyo Khilaafka taagan

0
Saturday October 20, 2018 - 19:05:14 in Wararka by
  • Visits: 267
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DHAGEYSO: Farmaajo oo loo qabtay Saddex Maalin in uu jawaab uga bixiyo Khilaafka taagan

    Kulan maanta ay yeesheen guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ayaa looga dalbaday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xukuumadda in ay bixiyaan jawaab deg deg ah si loo soo Afjaro Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan maanta ay yeesheen guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ayaa looga dalbaday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xukuumadda in ay bixiyaan jawaab deg deg ah si loo soo Afjaro Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda. Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya loo qabtay laga bilaabo maanta ilaa 22 Bishaan in uu bixiyo Jawaab ku aadan Cabashadda maamul goboleedyadda ee loo gudbiyay.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa tilmaamay in Xukuumada Soomaaliya ay la daahday Mudadii loogu tala galay in ay jawaab siiso Golaha Aqalka Sare.

Gudoomiyaha ayaa xusay in maamul goboleedyadda ay dhowr jeer ka codsadeen in ay dib u dhigaan Shirka maamul goboleedyadda,islamarkaana ay aqbaleen laakiin dowladda dhexe ay ku guuldaraysatay in ay jawaab Bixio.

Audio Player



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip