Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa uga tacsiyay shacabka iyo dowladda Suudan geerida Madaxweynihii hore ee dalkaasi Marxuum C/raahman Mahamed Hassaan (Siwar Al Dahab)

Safiirka Safaaradda Sudan ee Somaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa gudoomiyaha ka gudoomay dhambaalka tacsida, waxaana safaaradu ay sheegtay in buugaasi Tacsida marxuumka uu furan yahay maalmaha sabtida ,Axada iyo Isniinta saacadda 11 ka Subaxnimo ilaa 4 ta Galabnimo oo ka bilaabmaysa manta oo Sabti ah, waxaana buugga diwaangelinta Tacsida uu yaallo Xarunta safaarada ee Muqdisho.

Dowladda Sudan ayaa saaxiib dhaw la ah Soomaaliya, iyadoo ka taageerto dhinacyo badan oo ay ugu horeeyaan dhismaha ciidamada, waxayna sanad walba waxbarasho bilaash ah siisaa boqolaal arday Soomaaliyeed ah.