Xildhibaanada Galmudug Garabka Cadaado oo doortay Madaxweyne

0
Saturday October 20, 2018 - 18:51:56 in Wararka by
  • Visits: 229
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanada Galmudug Garabka Cadaado oo doortay Madaxweyne

    Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ee fadhigooda yahay magaalada Cadaado ayaa maanta doortay Madaxweyne, kaddib doorasho kooban oo la qabtay ay ku tartameen labo musharax.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ee fadhigooda yahay magaalada Cadaado ayaa maanta doortay Madaxweyne, kaddib doorasho kooban oo la qabtay ay ku tartameen labo musharax.

Axmed Maxamuud Baasto ayaa Xildhibaanada ku sugan Cadaado u doorteen inuu noqdo Madaxweyne, kaddib markii uu helay cod gaaraya 52 cod, halka ninkii la tartamayay C/xakiin Cali Guure uu helay 8 cod.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa ku dhawaaqay natiijada, waxaana uu sheegay in Galmudug ay yeelatay Madaxweyne cusub, isagoo isla goobta ku dhaariyay ninka la doortay.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in Galmudug ay xilligan leedahay Labo Madaxweyne iyo Labo Guddoomiye Baarlamaan oo ku kala sugan Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Labada Garab ee Galmudug ee ku kala sugan Cadaado iyo Dhuusamareeb ayaa horay u qaaday tallaabooyin iska soo horjeeda oo ay xilal isaga kala qaadeen, waxaana xaalka Galmudug uu marayaa halkii ugu xumaa abid.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip