HALKAAN KA AKLHRISO:-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADOSHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 20-KA OKTOOBAR 2018-KA

0
Saturday October 20, 2018 - 09:08:51 in Wararka by
  • Visits: 455
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKLHRISO:-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADOSHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 20-KA OKTOOBAR 2018-KA

    5 ASKARI OO LOO SOO XIRAY FAL LAGU RASAASEEYAY BARAKACAYAAL Maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyay rasaas 5 Askar ka tirsan Ciidamada dowladda ay ku fureen dad barakacayaal ah oo ku sugnaa Kaam ku yaalla degmadaasi. Guddo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

5 ASKARI OO LOO SOO XIRAY FAL LAGU RASAASEEYAY BARAKACAYAAL Maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyay rasaas 5 Askar ka tirsan Ciidamada dowladda ay ku fureen dad barakacayaal ah oo ku sugnaa Kaam ku yaalla degmadaasi. Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee degmada Kaxda C/naasir Xasan Cali oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in shaqaaqadaasi ay timid markii ay isku dhaceen dad shacab ahaa iyo Ciidamo ku sugnaa halkaasi.

 

5 ASKARI OO LOO SOO XIRAY FAL LAGU RASAASEEYAY BARAKACAYAAL

Maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyay rasaas 5 Askar ka tirsan Ciidamada dowladda ay ku fureen dad barakacayaal ah oo ku sugnaa Kaam ku yaalla degmadaasi.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee degmada Kaxda C/naasir Xasan Cali oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in shaqaaqadaasi ay timid markii ay isku dhaceen dad shacab ahaa iyo Ciidamo ku sugnaa halkaasi.

Waxa uu tilmaamay n falkaasi oo lagu dilay Haweeney ka mid ah dadka deegaanka loo soo xiray illaa 5 Askari oo ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya, kuwaas oo haatan ku xiran saldhig ku yaalla degmada Dharkenley ee gobolkan Banaadir.

C/naasir Xasan Cali guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka degmada Kaxda oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dad dano gaar ah leh ay si qaldan u baahiyay wararkaasi.

Waxaana uu xusay in ka maamul ahaa ay ku dadaali doonaan sidii cadaaladda loo horkeeni lahaa Askartii ka dambeysay dilkaasi.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO FARAY XUKU UMADDA IN AY SII DARDAR GELISO BAAHIN TA ADEEGYADA BULSHADA

WUU SHIRGUDDONSHAY: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo guddoomiyay shirka toddobaa dlaha ah ee Golaha Xukuumadda ayaa shee gay in Golaha Xukuumadda looga baahanya hay in ay la fal galaan shacabka, si ay u hel aan xogo dhammaystiran oo ka turjumaya baahiyaha bulshada.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Xubnaha Golaha in ay hormuud ka noqdaan ka qeyb qaadashada Olalaha Isxilqaan ee dib loogu dhisayo dalka, isagoona tilmaamay in ay waajib ku tahay Madaxda Qaranka in ay tusaale wanaagsan u noqdaan shacabka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farma ajo ayaa Golaha Xukuumadda uga warbixiyey safarkii dhawaan uu ku tagay magaalada Ma rka ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo baahi yaha bulsho ee ka jira deegaannadaas.

Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda in laga hirgeliyo magaalada Marka adeegyada waxbarashada iyo garsoorka, si loo soo celiyo adeegyada asaasiga ah, loona ilaaliyo xasil loonida iyo amniga deegaanka.

"Ummadda Soomaaliyeed idinka bay idin sug aysaa, maadama aad nasiib u yeelateen in aad hoggaan u noqotaan, waxa ay inaga su gayaan in aan si daacad ah ugu adeegno, una ilaalinno canshuurta laga soo uruuriyo.”

Raiisul Wasaaraha XXFS Md. Xasan Cali Khayre, Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuu madda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Xubnaha Golaha Wasiirrada iyo xoghaynta Shirka ayaa Madaxweynaha u soo bandhigay warbixinno la xiriira guulaha laga gaaray hiig siyada dowladda ee tubaha horumarinta arr imaha bulshada, amniga, caddaaladda, siya asadda loo dhanyahay, kobcinta dhaqaalaha iyo shaqooyinka hortebinta leh ee horyaalla Xukuumadda.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayey wadashaqeynta kala dhaxaysa Raiisul Was aare Xasan Cali Khayre ayaa yiri "Ma jirto dan shakhsiyayeed oo dhexdeena ah ee waxaan ka shaqeeynaa Danta Guud. Waxaana awood da saarnaa mar walba in la helo xalka ugu wanaagsan. Ummadda Soomaliyeed waxay haystaan Raiisul Wasaare wanaagsan iyo Gole Xukuumadeed oo iyaguna wanaagsan.”

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Xuk uumadda sida masuuliyadda leh ee ay u gud anayaan waajibaadka dastuuriga ah ee ay ma suulka uga yihiin shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna ku boorriyay in ay sii laba jibaar aan dadaalkooda iyo waxqabadkooda.

 DHAMMAAD

DEKADDA MAGAALADA MUQDISHO OO LAGU QABTAY KUNTEENAR QAMRI

Taliska ciidanka booliska Soomaaliya iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Ban aadir ayaa Dekeda magaalada Muqdisho waxa ay ku soo bandhigeen Kunteenar Qamri ah oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada amn iga, laguna qabtay gudaha Dekedda.

qamro dekedda lagu qabtay oo la gubay qamriiii Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bul shada maamulka gobolka Banaadir Basma Caamir Shakeeti iyo agaasimaha caafimaad ka dowladda hoose ayaa goobjoog ka ahaa halka lagu gubay Qamriga, laguna burburiyay.

Qamriga lagu qabtay Dekedda Muqdisho ay aa gaarayay 905 kartoon, saraakiisha ciidama da ammaanka ma aanu shaacin in gacanta lagu dhigay raggii Qamrigan lahaa.

Sidoo kale ciidamada ammaanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Mu qdisho ayaa qabtay Qamri kale oo isna lagu soo dhex qariyay Boorsooyin saarnaa diyaar ado.

Dakadda Magaalada Muqdisho, ayaa dhawr mar sidaan oo kale waxaa loogu qabt ay Qamri kala duwan oo ganacsato ay kala soo dageen Dakada, kuwaasi oo rabay in Ma gaalada gudaheeda ay soo galiyaan.

Qamriga ayaa si caadi ah loogu iibiyaa meelo ka mid ah magaalada Muqdisho, sidoo kalena waxaa si aan gambad laheyn loogu cabaa Hoteelada magaalada, gaar ahaan ku wa ku dhaw Xeebta Liido.

SOOMAALIYA OO KA QAYB GASHAY SHIRKA HORUMARINTA DEGAANKA

Waxaa magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya lagu soo gabagabeeyay shir looga hadlayay horumarinta degaanka oo uu soo qaban qaabiyay Urur Goboleedka IGAD.

Kulankan oo socday muddo Saddex cisho ah ayaa waxaa ka qayb galay gabagabadiisii Wasiirka Beeraha iyo waraabka ee dowladda federaalka Soomaaliya, Siciid Xuseen Ciid iyo sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ahna Qunsulka guud ee Safaaradda, Cali Maxamed Sheekh (Bagadi).

Ajandaha shirka ayaa ahaa hannaanka maamul wanaagga degaanka waddamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD iyo yara ynta dhibaatooyinka ka dhasha Dhulka, waxa ana Soomaaliya ku matalayay Agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha iyo waraabka.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaa liya ayaa sheegay in kulankaasi xoogga lagu sa aray ahmiyadda maamul wanaagga Dhulka uu u leeyahay horumarka Waddama da gobolka, yaraynta mashaakilka ka dhasha iyo qaabka loo dejin lahaa shuruucda ku hab boon. "Waxaa xoogga la saaray ahmiyadda maamul wanaagga Dhulka uu u leeyahay hor umarka Waddamadan yaraynta mashaakilka ka dhasha iyo qaabka loo dejin lahaa shuru ucda ku habboon”. ayuu yiri Wasiir Ciid. Mudane Ciid ayaa sidoo kale sheegay in shir ku ay kasoo baxeen talooyin aad muhiim u ah, oo lagu xoojinayo ahmiyadda uu leeyahay maamul wanaagga Dhulka, isagoo intaa raaciyay in Dhulku uu si toos ah xiriir ula lee yahay dhinacyada horumarka, degaan wan aagga, magaalooyinka iyo Beeraha.

Mashruucan oo ay maalgelintiisu leedah ay Dowladda Switzerland, ayaa waxa uu dalalka gobolka kasii socon doona muddo Afar sano ah, kaas oo wax weyn ka tari doono sidii loo horumarin lahaa degaanka wadda mada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD.

CAWAD "MA RABNO IN AAN U EKAANO DAD AM AANAYA MADAXDOODA, RA’IISUL WASAARAHA SHAQADIISA AMAAN UGU FILAN”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa si layaab leh uga hadlay bandhiggii Dorraad ee Shirkii Golaha Wasiirada uu shir guddoominayay, kaasoo dadka ka faalooda arrimaha siyaasadda ku tilmaamay inuu madal amaan kaliya la isugu qubeeyay.

Hase ahaatee Wasiirka kaliya ee ka duwa naa khudbadihii Wasiirada kale ee aShalay iyo taageerada u badnaa wuxuu ahaa Wasiir Axmed Ciise Cawad oo madasha ka sheegay in aan loo baahneyn in Madaxda la amaano.

waxaa uu sheegay in howl kasta ay howl ka horeysay, isagoo soo hadal qaaday halkii laga soo bilaabay dowladnimada illaa xilligii Carta oo uu xusay inuu ka war hayay marba marxaladihii uu dalka soo maray.

"Howl kasta howl ayaa ka horeysay, mad axdoo hore u soo jirtay iyo xukuumadihii hore waxay soo gaarsiiyeen meesha aan Shalay joogno, aniga waa ka war hayaa illaa Carte, hadana Ra’iisul wasaaraha iyo kooxdiisa meel kale oo aad u sareysay ayay gaarsiiyeen” ayuu yiri Wasiir Cawad.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in aan loo baahneyn in la noqdo dad madaxdooda kaliya amaanaya, isagoo xusay in waxyaabo badan laga tilmaamo karo howlaha Ra’iisul Wasaara ha qabto, taasna ay ammaan ugu filan tahay shaqadiisa.

Intii uu hadalkiisa sii watay, una gudbay ta lo soo jeedin ku saabsan hal beegyada ayaa waxaa ka dhex galay Ra’iisul Wasaaraha oo si lama filaan ah ugu celiyay hadalka, taasoo laga dareemayay sida Wasiirka aanu ugu qan acsaneyn in hadalkii uu watay in laga hakiyo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo xilka loo magacaabay bishii Janaayo ee sanadkan 2018 ayaa lagu tilmaamaa inuu aanu aheyn Wasiirada aadka ugu dhow Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’i isul Wasaaraha, isagoo si ka duwan aragtiya da labada xafiis uga hadlo marka ay timaado xaaladaha siyaasadda arrimaha dibadda.

Inta badan Khudbadihii Dorraad ka jeediy een Wasiirada Xukuumadda kulankii Dorraad si tooska looga daawanayay Telefishinka waxay hadaladoodu ahaayeen kuwo taageero iyo amaan ah oo madaxda sare ee dalka ugu jeedinayeen.

Xigasho:Jowhar.com

MADAXWEYNIHII HORE EE DALKA SUDAN ABDULRAHMAN SIWAR ALDAHAB OO GEERIYOODAY

SAWAARU DAHAB MADAXWEYIHII HOPRE EE SUUDAAN OO GEERIYOODAY Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Abdulrahman Siwar alDahabayaa ku geeriy ooday isbitaal ku yaal magaalada Riyadh ee Boqortoyada Sacudi Ca rabiya.

Sida ay xaqiijisay wak aalada wararka ee dalka Sudan SUNA Siwar alDahab ayaa geeriyooday isagoo 83 sano jir ah,balse ma bixin faahfaahino intaas ka dheeri ah.

Allaha u naxariistee Siwar alDahab ayaa ka mid ahaa saraakiisha sarsare ee soo mar tay dalka Sudan waxana uu noqday Wasiirka Gaashaandhigga kahor inta uusan afgambinin Madaxweynihii ka horeeyay ee Jacfar AlNimeeri sanadkii 1985.

Jacfar AlNimeeri ayaa xukumayay dalka Sudan laga soo bilaabo sanadkii 1969kii illaa iyo sanadkii talada lagala wareegay ee 1985 kii.

Hase yeeshee,banaanbaxyo loogaga soo horjeedo xukuumadii Jacfar AlNimeeri ayaa sanadkii 1985kii ka bilowday dalka Sudan, waxayna taasi sababtay in Siwar alDahab oo hogaaminayo saraakiil Milatari inay xukunka la wareegaan isagoo ku dhowaaqay Gole Milatari oo si kumeelgaar ah u maamulaya dalka Sudan.

AlDahab ayaa ballanqaaday in muddo sanad ah uu doorasho ku qabanqaabinayo kadibna xukunka ku wareejinayo maamul rayid ah.

Ballanqaadkaas ayaa loo arkay mid been ah oo uu doonayo inuu xukunka iska sii haysto hase yeeshee sanad kadib ayuu qabtay door asho madaxweyne waxana uu xukunka ku wareejiyay Saadiq alMahdi oo ku guuleystey doorashada.

Siwar alDahab waxa uu iska casilay saa xada siyaasada isla sanadkaas waxana uu laga soo bilaabo xilligaas uu waqtigiisa geli yay arrimaha diinta isagoo guddoomiye ka noqday urur diimeed xaruntiisu tahay magaa lada Khartoum.

GAAS OO TALIYEYAASHA CIIDAMADA KU AMRAY INAY U DIYAAR GAROOBAAN DAGAAL

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Max amed Cali oo shir gudoomiyey kulanka golih iisa xukuumadda ayaa warbixin ka dhageys tay guddiga difaaca ee Puntland oo qaabilsa naa arrimaha ka socda gobalka Sool oo ay is ku hayaan ciidamada Puntland iyo Somalil and, ayna is horfadhiyeen 10kii bilood ee la soo dhaafay.

Warsaxaafadeed ka soo baxay aqalka madaxtooyada Puntland ayaa lagu cadeeyey in madaxweyne Gaas uu ku amray taliyeya asha iyo laamaha ammaanka in ay u diyaar garoobaan difaaca dalka, taas oo ku soo aadeysa xili ay dhaqaaqyo ciidan ka socdaan gobalka Sool.

Wararka la helayo ayaa waxa ay shegaya an in madaxweynaha Puntland C/wali Max amed Cali (Gaas) uu qorsheynayo weerar lagu qaado ciidamada Somaliland ee ku su gan degaanada gobolka Sool.

Maalmaha ka haray doorashada Madaxtinim ada Puntland ayay doonaysaa madaxtooyadu in ay dib u soo celiso gobalka Sool, waxaana ay rumeysan yihiin madaxweyne Gaas iyo kuxigeenkiisa Camey in ay taageero dheeraad ah ku helayaan.

Falanqeeyayaasha siyaasadda Puntland ayaa rumeysan in isku dayada dagaal iyo ciidan ee hadda socda ay dhabaha u xaari kar aan in hanaanka doorashooyinka ay wax iska bedelaan, gaar ahaan ugu yaraan gaabis ku yimaado.

Loolan adag ayey hadda kala kulmayaan bulshada iyo musharaxiinta madaxda xilka ha ysaa, waxayna aad xooga u saarayaan sidii ay saameyn ugu yeelan lahaayeen xubnaha baarlamaanka ee imaanaya.

Madaxweynaha Puntland ayaa lagu eedeynayaa in uu kufashilmay mudadii uu ha yey xilka Madaxweynenimada, gaar ahaana dhinacyada dibu dhiska ciidamada, Sha qaalaha, Dhaqaalaha oo gaaray meeshii ugu xumeyd oo aysan xaquuqda shaqaaluhu helin ka badan Hal sanno iyo luminta maqaamka siyaasadeed ee mandiqadu ku lahayd dowladda Faderaalka Soomaaliya.

MAREYKANKA IYO UK OO QAADACAY SHIR MAAL GASHI OO UU SACUUDIGA MARTIGALINAYO

Xoghayaha Maaliyada Mareykanka,Steven Mnuchin, ayaa shaaciyay in uusan ka qay bgali doonin shirka ballaaran ee Maalgashiga ee lagu wado in uu Sacuudiga ka dhaco.

Arrintan ayaa la xiriirta maqnaashiyaha iyo dil looga shakisan yahay in loo gaystay saxa figa Jamal Khashoggi.

Qoraal uu barta Twitterka soo dhigay Mr Mnuchin, ayaa waxaa uu ku sheegay in go’a anka ah in uusan shirkaasi ka qayb galin uu qaatay ka dib kulan uu la qaatay madaxwa yne Trump iyo xoghaya arrimaha dibadda Mike Pompeo.

Shir waynahan maalgashiga ayaa lagu wadaa in toddobaadka soo socda uu ka dha co magaalada Riyadh ee xarunta boqorto oyada Sacuudi Carabiya.

Mar sii horeysa ayaa wasiirka ganacsiga Britain Liam Fox iyo wasiirada dhaqaalaha ee Faransiiska iyo Netherland waxay shaaciyeen in aysan shirkaasi maalgashiga ee Sacuudiga aysan ka qayb gali doonin.

Shirkani maalgashiga mustaqbalka ayaa lagu wadaa in uu qabsoomo 23 ilaa 25 Octo ber,waxaana lagu qaban doonaa caasimada Sacuudiga ee Riyadh.

Waxaa shirkan martigalinaya dhaxalsug aha Sacuudiga Maxamed bin Salman si uu u hormariyo ajandihiisa isbadalada.

Qorshihiisa ah casriyaynta dhaqaalaha iyo bu lshada ee loogu magac daray higsiga 2030, ayaa waxaa looga gol leeyahay in la dhimo ku tiirsanaanta uu Sacuudiga ku tiirsan yahay shidaalka laguna abuuro shaqooyiin cusub.

Wariyayaasha ayaa sheegay in go’aanka qaa dacaada, Mr Mnuchin ee shirkan ay dhabar jab wayn ku tahay ajandayaasha dhaxalsug aha Sacuudiga.

Balse dhowr shirkadood oo ganacsi oo ay ka mid yihiin shirkadaha sida Pepsi iyo EDF – ayaa waxa ay sheegeen in ay ka qaybgali do onaan, iyada oo ay jirto cadaadiska lagu hayo ee ah in ay qaadacaan.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareyk anka Mr Pompeo ayaa horraantii toddobaad kan booqday Riyadh si uu boqor Salmaan ugala hadlo arrinta saxafiga maqan.

Waxa uu sheegay in madaxda Sacuudiga ay u balanqaadeen in baaritaan madaxban aan lagu samayn doono arrintan.

Mr Khashoggi ayaa la la’yahay mell uu jaan iyo cirib dhigay muddo labo toddobaad ah ka dib markii uu galay qunsuliyada Sacuu diga ee Istanbul. Boqortooyada Sacuudiga ayaa beenisay in Mr Khashoggi lagu dhex dil ay gudaha qunsu liyada Sacuudiga.

WASIIRKA MAALIYADDA SOOMAALIYA OO LA KUL MAY MADAX KA TIRSAN DALKA INGIRIISKA

Wasiirka maaliyadda XFS, Md,C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa M.London ee Dalka Ingi riiska kula kulmay madax ka tirsan Dowladda Britain. Md, Beyle ayaa sheegay inuu halka asi kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska Jeremy Hunt iyo Madax kale oo ka tirsan UK, iyagoo ka wada hadlay horumarinta hannaanka Maaliyadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

"Waxaan M.London kula kulmay Madaxda Dowladda Britain sida Wasiirka Arrimaha Dib adda iyo Madax kale oo aan kala hadlay horumarinta hannaanka Maaliyadeed ee Dalk eena Soomaaliya”ayuu yiri wasiirka Maaliyad da XFS.

Dhinaca kale Wasiir Beyle, ayaa halkaasi kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Ingiriiska, wuxuuna sheegay in ay ka wada hadleen caawinta iyo horumar inta Dalka Soomaaliya.

ABIY AXMED; ”CIIDAMADII DHOWAAN GADOOD KA SAMEEYAY WAXA AY DOONAYEEN INAY QAARIJIYAAN

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in ciidamo dhawaan ka samee yay gadood magaalada Addis Ababa loona oggolaaday inay la kulmaan Abiy Ahmed inay qorsheynayeen inay qaarijiyaan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa faray ciidammada inay isaga la sameeyaan jimicsi isagoo farax san isla markaana la qoslayay. Baarlamaanka ayuu u sheegay in maalinkaasi uu faraxsanaa balse uu gudaha ka gubanayay.

Abiy Axmed ayaa sheegay in jimicsiga iyo qeylo weyn oo ay ciidamadu sameeyaan uu hoos u dhigayo xanaaqooda" xaaladda ciida mmada waa la dejiyay, qaar kamid ah ciidam mada ayaa la maqlayay iyagoo leh ‘wuxuu baxsaday ka hor inta aanan dilin’ marka, ya anan u qaadanin arrinta mid fudud”

Dhowaan ayaa Dacwad oogayaasha Ito obiya ay shan qof ku rideen xukun ah inay argagixiso yihiin kuwaaso isku dayay inay dil aan ra’iisul wasaaraha kaddib markii bambo gacmeed lagu tuuray isu soo bax siyaasade ed uu ra’iisul wasaaraha dadweyne kula hadl ayay.

CABDI MAXAMUUD CUMAR OO ISKU DAYAY INUU KA BAXSADO XABSIGA

CABADI ILEEY Booliska dalka Itoobiya ayaa ku sheegay in Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar uu isku dayay inuu ka baxsado xabsi ga.

Cabdi Maxamu ud Cumar oo maa nta ka la horgee yay Maxkamad ma rkii 5aad ayaa waxay Boolisku sheegeen iya da oo amnigiisa iyo caafimaadkiisa loogu da neynayo in cabdi lagu xiray xabsi ku dhex ya ala xarunta boo liska.

Sidoo kale Booliska ayaa sheegay in Ca bdi uu soo jabiyey muraayadda daaqadda qol ka uu ku jiray isagoona cunaha ku dhagay mid ka mid ah askarta ilaalada uga jirtay qo lka uu ku xirnaa si uu u baxsado.

Cabdi Maxamuud Cumar eedda iskudayga ka baxsashada xabsiga ee ay boolisku u soo jeediyeen ayaa beeniyay kadib markii ay Maxkamadu weydiisay.

"Falkaas ma ahan mid aan sameeyay bal se eedu waa mid lagu doonayo in lagu dilo sumcadeyda mar ay maxkamadda wax ka we ydiisay ayaa wuxuu ku jawaabay "inuusan fa lkaasi sameeynin eedduna ay tahay mid sumcaddiisa lagu waxyeelleynayo isla mar kaana lagu doonayo in jirdilkiisa lagu banne ysto”.

Wuxuuna intaa ku daray "Waxa laga shee gay iney been tahay shaqsi ahaanna cadaad is aad u weyn lagu hayo. Xabsi aan munaas ab ahayna lagu xiray, nin maskaxda ka jirran oo ku xiran qol isaga ku dhaggan kan uu isa gu ku jiro inuu 2 mar albaabka uu ku soo jab iyey oo uu waxyeella u geysan gaaray xaala ddaasina ay ammaankiisa khatar aad u weyn ku hayso.”

"Maalinna isaga oo suuli ku jira inuu nin macabiista ka mid ah uu soo weeraray” ayuu sida oo kale maxkamadda u sheegay.

"Guud ahaanna xabsiga aan ku xiranahay ma aha mid munaasab ah islamarkaana caafim aad darro uu kala kulmay.”

Dambi baaraha kiiska Cabdi gacanta ku haya na wuxuu maxkamadda horteeda uu ka shee gay "inuu Cabdi uu ku xiran yahay xabsiyada caadiga ah ee maxabiista caadiga ah lagu xiro, wax cadaadis oo si gaar ah isaga looga hayana uusan jirin.

Wuxuuna dambi baaruhu intaa ku daray "bool isku wixi dhacay markay Cabdi kala hadleen oo rabshadda xabsiga ka dhacday inuu isagu sabab u ahaa inuu qirtay islamarkaana raalli gelin uu ka bixiyey.”

Booliskuna waxay maxkamaddu weydii steen "10 maalmood oo kale oo ay Kiiska Cab di baaritaan dheeraad ah ugu soo sameeyaan in la siiyo.” Ugu dambeyn, maxkamadda oo codsiga booliska aqbashay waxay u muddeysay in ca bdi Maxkamadda la keeno 29ka bisha Oct ober.

GAARI SHACAB OO HABEEN HORE LAGU RASAASEE YAY MUQDISHO

Sida ay sheegayaan wararka aan ka hele yno degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir, ci idan saarnaa gaari Ca bdi Bile ah ayaa caa wa rasaas ku furay ga ari Caasi ah oo ay sa ar naayeen dad shac ab ah.

GAARI GELIBANAY AROOS O LA RASAASEEYEY Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheeg een in gaarigan si gaar ah loogu rasaaseeyay inta u dhaxeysa aagga Soos iyo Waxarcad de.

Waxaa la sheegay gaariga la rasaaseey ay inuu ka mid ahaa gaw aari Aroos galbineys ay, Hal qof ayaa ku geeriyooday, halka ay ku dha awacmeen Lix kale.

Dadkii ku dhaawacmay falkan oo u badnaa haween ayaa waxaa la geeyay isbitaalka Ma diina ee magaalada Muqsisho, halkaasi oo xaal adooda caafimaad lagula tacaalayo.

Sawirro laga soo qaaday gaariga la ras aas eeyay ayaa muujinaya in dhawr xabadood ay ku taallo gaariga, islamarkaana uu halk aasi ku qabtay dhiigga dadka ku waxyeelo obay rasaasta. Ilaa hadda maa mulka degmada Hilliwaa iyo taliska ciidanka booliska kama aanay had lin dhacdadan, balse waxaa socda baaritaano la xiriira falkan.

QM OO DEEQ RAASHIIN AH GAARSIISAY DADKA KU GO’DOONSAN MAGAALADA IDLIB EE DALKA SUURIYA

indhaqarshe iyo axmed madoobe Q//Midoobay ayaa sheegtay inay magaalada Idlib ee dhacda Wa qooyi galbeed ee dalka Suuriya u dirtay Dorraad oo Khamiis ahayd 30 gaadiidka xamuulka ah oo sida deeq gargaar biniaaddannimo ah.

Gargaarkan oo gaaraya 600 Ton ayaa dhawaan laga qaybin doo naa M/Idlib iyo degaannada ku hareereysan.

Idlib oo ku dhowaad 3 Milyan oo Suuriyaan ahi ay Hooy u ahayd ayaa lagu soo war ramayaa in intooda badani ay ka qaxeen, mar kii ay u adkaysan waayeen weerarrada kaga imanaya Ciidamada Dowladda oo ay kaab ayaan kuwa Ruushka.

Madaxweynaha dalka Turkiga, Racep Ta yyip Erdogan iyo dhigg iisa Ruushka Vladimir Putin, ayaa isku raacay in aag dagaalka ka ca aggan laga sameeyo magaalada Idlib, markii ay ku kulmeen dalka Ruu shka, iyagoo sidoo kale ku heshiisay in qorshe nabadeed loo sa mee yo magaaladaasi, si dadka halkaasi ku ha ray loo gaarsiiyo gargaarka biniaaddannimo.

MAS'UULIYIIN XILAL SARE KA HAYEY AFGHA NISTAN OO LA DILAY

afgan_general (1) 3 sarkaal oo xilal sare ka hayey koonfurta dalka Afghanistan oo uu ku jiro taliyaha bo oliska ee awood badnaa Jeneral Cabdul Ra ziq, ayaa lagu dilay toogasho dhacday intii la gu guda jiray booqsho uu halkaas ku tegay jeneraalka ugu sarreeya ciidamada Mareyk anka ee Afghanistan.

Jeneral Scott Miller oo Mareyka n ah, oo wax dhi baato ah aysna gaarin, ayaa booq anayey guriga bar asaabka gobolka Kandahar, hal kaasi oo uu kulan kula la haa barasaabka iyo saaakiil kale oo ka tir san maamulka gobolka.

Ka sokow Razi, oo horey uga badbaa day dhowr weerar oo Taliban ay doneysya in ay kudsho, waxaa weerarkii Shalay lagu dilay barsaabkii gobolka iyo madaxii sirdoonka gob olka. Sidoo kale saddex askari oo Mare ykan ah ayaa weerarka la gu dhaawacay, ay ada oo filimqaade reer Afghanistan ah uu sidoo kale ku dhintay.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegay toog ashada ay dhacday mar kii uu kulanka dham maaday oo saraakiisha ay u socdeen garoon ay cagdhigtaan diyaaradaha qumaatiga u ka ca, oo ay ka bixi laha ayeen.

Kooxda Taliban ayaa sheegatay weerarka oo ay sheegtay inuu fuliyo qof ku dhexmil may ciidamada maamulka Kandahar.

TALIYAHA XOOGGA DALKA OO KULAN LA QAATAY MADAXWEYNAHA JUBBALAND

Wafdi uu hogaaminayo taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaal iya Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ayaa Shalay soo gaaray M/Kismaayo, ayadoo garoonka diyaaradaha Kismaayo ay kusoo dha weeyeen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jub bal and.

Taliyaha ayaa soo dhaweyn ka dib waxa loo gal biyay aqalka ma rtida ee Jubbal and, hal kaa oo uu kulan kula qaatay Mad axweynaha Jubbaland Mudane Axmed Max’ed Islaam.

Jen. Indhaqarshe oo warbaahinta la had lay ayaa sheegay in magaalada Kis maayo uu u yimid si uu kormeer ugu sareeyo islamarka ana u ogaado xaaladda dhabta ah ee ciidam ada xoogga dalka Soomaaliya qeybta 43aad oo taliskeedu yahay magaalada Kismaayo.

Waxa uu sheegay in taliskan uu yahay mid muhiimad gaar ah leh, islamarkaana ciida mada ka tirsan taliska ay dagaal adag kula jir aan kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta qeybo ka tirsan Jubbaland, sidaa darteedna ay doonayaan in ay u kuurgalaan xaaladda ciidanka iyo baahiyahooda.

Horaantii bishii July ee sanadkan ayay ahayd markii garoonka diyaaradaha Kismaa yo laga celiyay Jen. Cali Max’ed Maxuud (Bo gmadoow) oo ay dowladda Soomaaliya usoo magacoowday taliska qeybta 43aad, kaasoo ay dowlad goboleedka Jubbaland sheegtay in aan lagala tashan magacaabistiisa, wallow uu markii danbe ka dagay gobolka Gedo.

XASAN SHEEKH MAXAMUUD:”MA AHA MID SAX AH IN MUQTAAR ROOBOW UU U TARTAMO XIL MADAXWEYNE”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inaysan sax ahayn in Muqtaar Roobow uu u tartamo xi lka Madaxweynaha Maamul goboleedka Koof urgalbeed Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo wareysi siiyay taleef ishinka Universal isagoo jooga M/London ay aa sheegay illaa hadda inaysan cadeyn ma wqifka Roobow ee ku aaddan ka bixista Urur ka Al Shabaab, kaasi oo ka mid ah xubnaha musharaxiinta ah ee u taagan xilka madaxwe ynaha KGS.

"Muqtaar Roobow ma cadeyn inuu ka tegey Alshabaab balse waxaan ognahay inuu daga al kala dhexeeyo weli ciidamadiisana waxa ay ka tirsan yihiin AlShabaab.”ayuu yiri Xasan Sh. Maxamuud Iin muqtaar Roobow in laga doonayo dhawr siyaabood inuu ku qeexo sa babaha uu kaga tagay Al Shabaab.

"Waxaa jira qodob dastuuri ah ninkan waa muwaadin, wax ka reebaya doorasho ma jira an, laakiin waxaan qabaa in aysan sax aheyn hadda inuu u soo istaago doorasho, mashruu cii uu ku jiray weli ma dhameystirna, Muqtaar weli ma cadeyn inuu ka soo horjeedo argagixi sada, Shabaab iyo isaga inay is dirirsan yihiin wax dhib ah ma lahan, dhexdooda maalin wa lba ayay diriraan, wiilashiisa weli duurka ayay ku jiraan, waxaan qabaa in hadda aysan wan aagsaneyn inuu isa soo sharaxo.”. ayuu yiri Xasan Sheekh.

Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa ahaa hoggaamiye kuxigeenkii Ururka Al Shab aab, sidoo kale wuxuu soo noqday afhayeen kii Al Shabaab, hadase wuxuu ka mid yahay musharaxiinta KGS, inkastoo wasaaradda am niga war ay soo saartay ku sheegtay inuusan tartami karin wadaadkan, balse isaga weli wa xa uu iska wataa ololahiisa doorasho.

SUCUUDIGA OO XAQIIJIYAY GEERIDA KHAASHUQJI

kashoogi Dowladda boqortooyada Sucuudiga ayaa xaqiijisay geerida saxafigii u dhashay dalkaasi ee la baadigoobayay.

Wakaaladda wararka ee sucuudiga ayaa sheegtay in Jamaal Khaashuqji uu geeriyooday ka dib markii ay dagaalameen isaga iyo dad ku sugnaa gudaha qunsuliyedda Istanbul, dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhashay muran iyo dhex maray saxafiga iyo dadka dilay.

Sucuudiga ayaa sheegay in 18 qof loo xidhay arrintan isla markaana xilkii laga qaaday taliye ku xigeenkii sirdoonka iyo la taliyaha gaarka ah ee dhaxal sugaha sucuudiga.

BIRIQ XOOLO KU LEYSAY GALGADUUD

Ku dhawaad 100 neef oo ari ah ayaa ku naf waayeen ka dib Markii ay haleeshay Biriq deg aan u dhow D/Guriceel ee G/ Galgaduud.

biriq laysay xoolo oo ka dhacday guriceel Xoolaha ayaa ku sugnaa degaanka Dab ayoo dley ee degmada Guric eel, Galguduud, waxaana la sheegay in roobab habeen hore ka da’aayeen ay ka dhalaty biriqda .

dhinaca kale Qoyskii ay arigooda halee say Biriqda ayaa waxaa maamulkadegmada Guriceel uu sheegay inay u hartay 10 neef oo kaliya waxaayan umma da muslimiinta gaar aha an dadka soomaaliyeeduu ka codsaday in loo soo gurmado qoyskaas xoolahooda ay galaafa tay masibada biriqda

CIIDAMADA AMAANKA KENYA OO HEEGAN LA GALIYAY SIDEE WAX U JIRAAN AKHRISO

Kenya ayaa heegan buuxa galisay talisya da kale duwan ee Ciidamada, iyadoo maanta loo dabaal dagayo maalinta geesiyada ee Ma shuja Day.

Bari ayey ku beegan tahay maalinta geesi ya da ama dadkii kenya uga geeriyooday xor nima u dirirkeeda waqtigeedii gumeytaha, wa xaa lagu qaban doonaa xafladaasi garoonka kubada cagta Bukhungu ee ku yaal magaal ada Kakamega ee Kenya.

Xaflada waxaa kasoo qeyb galaya hoga miyaal ka socda wadamada Afrika iyo xubno katirsan QM. Wararka ayaa sheegaya in dha maan ciidamada heegan la galiyay laguna wa dooyinka waaweyn ee dalka, xili laga cabsi qabo weeraro ka yimaada Xoogaga Alqaaci dda Soomaaliya ee ka howlgala Kenya.

WASIIR GOODAX OO SHEEGAY IN LA DHISA YO GUDDIGA TACLIINTA SARE

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee XFSMd.C/hi Goodax Barre ayaa sheegay in Wasaaraddu ay diyaarineyso Guddiga Tacl iinta sare ee dalka oo dib u habeyn xooggan ku sameyn doona Jaa macadaha waddanka ku yaalla, si loo oga ado tayada waxbarasho ee ay bixiyaan.

Md.Goodax oo Barnaamijka Kulanka 7aad ka ee ka baxa Warbaahinta Qaranka ka qeybgalay shalay ayaa sheegay in gu ddigaan uu awoodu leeyahay dib u habey nta Tayada Wa xbarasho ee Tacliinta sa re, isla markaaana Jaamacadaha dalka oo dhanna uu dib u ha beyn ku sameyna yn doono.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa sheegay in sanadka 2020ka ay ku rajo weyn yihiin in Jaa macadda Ummadda ay awood u yeelato in ay qaadato sannad walba 10,000 oo Ardey (Toban Kun oo Ardey)

WAKIILKA QM EE SOOMAALIYA NICHOLAS HAYSOM OO KA HADLAY DOORASHADA KU SOO WAJAHAN DALKA IYO XAALADDA AMNIGA.

Nicholas Haysom ergayga cusub ee Q M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyey wargeyska Daily Maverick wuxuu ka ga hadlay Xaalada Somaaliya xiligan ay mar ayso. Ergayga QM ayaa sheegay in ahmiyada 1aad uu siinayo inta uu jooga xafiiska QM ee Soomaaliya sidii ay dalka uga dhici laheyd do orashada 2020ka oo ku soo wajahan, arinta asi ayuu sheegay inay tahay ajandaha ugu ho reeya uu diirada saari doono.

Mr.Nicholas Haysom ayaa sheegay inuu ka shaqayn doono arrimaha siyaasadda iyo si dii dalka ay uga hirgeli lahayd dowlad wanaag oo ka mid ah tiirarka ugu muhiimsan ee qara nimada dalka Soomaaliya. Danjiraha oo ka ha dlay xaalada ammaanka ee Xiligan sida uu ya hay, ayaa ku jawaabay " Waxaan qirayaa in amniga uu ka mid yahay caqadabaha ugu waa wayn ee hor yaala dowladda hadda jirta, dhibaatada ugu badana waxay ka timaadaa AlShabaab oo weeraro ka geysta Magaaloo yinka waaweyn ee dalkan geeska Afrika”.

Dhanka kale Wakiilka ayaa Sheegay in loo baahan yahay inay Soomaaliya yeelato Dastu ur aanan qabyo ahayn, isaga oo rajo wanaa gsan ka muujiyay in la dhameystiro ka hor do orashooyinka, taasi oo buddhig u ah inay noqoto xor iyo xalaal, iyadoo Wakiilkaan 1dii bishan uu la wareegay xilka Wakiilka QM u qee Soomaaliya, Nicholas Haysom.

BOGGA CAYAARAHA

JUVENTUS OO BADDALKA ALEX SANDRO KULA DAGAALLAMAYSA MANCHESTER UNITED

Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa laga yaabaa in ay lumiso xidigeeda garabka bidix ee dafac Alex Sandro kaas oo dalabnaya in lasiiyo mushaar dheeri ah.

Dhanka kale xidigan aya xiisa ka helaya kooxaha Manchester United , Paris Saint Germain iyo Manchester City.

Si kastaba ha ahaatee, Corriere dello Sport baahisay in ay Juventus doonayso in ay saxiixa Alejando Grimaldo kula dagaallanto Man United, si ay baddal uga dhigto Alex Sandro kaas oo dalbanaya in mushaarkiisa sannadlaha lagaarsiiyo adduun 5malyan oo euro.

Mamchester United ayaa dhankeeda doona ysa xidig ka ciyaari kara danbeedka bidix ee daafaca si ay ugu xoojiso safka Old Trafford.

MAURIZIO SARRI OO AMAANAY CIYAARTOYDA MAN UNITED KAHOR KULAN SABTIDA EE PREMIER LEAGUE.

Jose Mourinho ee Manchester United ay tahay kooxda ugu fiican Premier League

Guuldaradii kaliya ee Chelsea xilli ciyaareedkan waxa ay ka timid Community Shield kooxda Manchester City, oo hogaanka u heysa Blues iyo Liverpool farqiga goolasha ee ugu sareysa Premier League.

Dhanka kale, Jose Mourinho ayaa ku soo biiray United, kuwaasoo 8 kulan ka dib seddex guul darro soo gaartay sideedii kulan ee ugu horeysay.

"Waa koox aad u xoogan. Waxaa laga yaabaa in ciyaaryahanku uu yahay kooxda ugu fiican Premier League, "Sarri ayaa sidaas yiri.

"Xilligan la joogo waxaan u maleynayaa in City ay ka fiican tahay sida koox, lakiin ciyaaryahan ayaa ah (United) aad ayay u xoogan yihiin.

Taas waxaa laga yaabaa in lagu dhaleeceyn karo naceybka Mourinho, laakiin Sarri ma uusan aheyn inuu diirada saaro tababarihii hore ee Antonio Conte, isagoo iska indhotiraya dagaalkii guud ee Porto, Inter Milan iyo Real Madrid.

"Waxaan ka hadleynaa tababare ku guuleystay wax walba,” ayuu yiri Sarri, oo aan weli ku guuleysan abaalmarin xirfadeed oo uu ku maamulayo kubada cagta.

MADAXWEYNIHII HORE EE SOOMAALIYA OO SI WEYN LOOGU SOO DHAWEEYAY MAGAALADA BRISTOL

MAGAALADA BIRSTOL EE UK OO SI WEYN LOOGU SOO DHAWEEY XASN SH Waxaa indhoweeyto lagu qabtay magaalada Bristol (UK) xaflad lagu soo dhaweeynaayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Xafladaas ayaa waxaa loo soo abaabulay si heer sare ah. Waxaana ka qeybqaatay qeybaha kala duwan ee bulshada sida odayaal, dhalinyaro, gabdho wiilal, wadaado, waranle iyo aqoonyahano.

The Bristol Hotel ayaa Xafladaas ka dhacay iyadoo halkaas ay ka jeediyeen qudbado kala duduwan oo ay soo jeediyeen wafuud ka socotay magaalooyin ka baxsan Bristol. Axmed Nuur (Seyga Ruushka) oo ahaa ciyaartooy caan ah barisamaadkii ayaa wuxuu amaanay ugu horeeyn reer Bristol iyo siday wax u soo qabanqaabiyeen wuxuuna yiri:” waaba inaan halkaan u soo guuraa”.

Wuxuu kaloo amaan la dul istaagay dowladii uu mudane Xasan Sheekh Maxamuud hoggaaminaayay iyo wax qabadkeedii. Prof. RUUMI oo isna ah aqoonyahan matalayey reer Birmingham ayaa wux uu sheegay inuu Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ka masuul ahaa in la yagleelo AkadeemiyaGoboleedka Af Soomaaliga oo uuna aad u soo dhaweeynaayo xisbiga cusub.

Abdishakuur Ibraahim Ali oo ah Guddoomiyaha Jaaliyadda bristol ayaa soo dhaweynta madam aad ugu qeybqaatay asigoona sheegay Mudane Xassan Sheikh inu yahay hogaamiye dacad ah dalkane u ba ahan yahay Jaaliyaadda Bristoolna ku booriyay in Xisbiga uu horkacayoMuadane Xassan Sheekh in la taageero.

Maryan Jaabir oo iyada ka midka ah dadka degan Bristol ayaa waxay sheegay iyadu inay hore u taageersaneed madaxweynihii hore ayna hada meesheeda kasii wadeeyso. Waxay mudane Xasan Sheekh Maxamuud kula dardaarantay inuusan iloobin xuquuqda reer Muqdisho ee maqan. Dad kale oo ay ka mid ahaayeen Cali Hindi, Dhagacade iyo Gudoomiyaha Jaaliyada Bristol C/Shakur ayaa iyagana waxay aad u amaaneen waxqabdkii madaxweynihii hore iyagoo isla markaana soo dhaweeyay xisbiga cusub ee Midnimada Nabada iyo Horumarka.

Maama Seynab iyo caruurteeda oo ku dhasheen wadankan Ingariiska ayaa waxay madaxweynihii hore gudoonsiiyeen bilad sharaf maadaama uu wax badan usoo qabtay wadanka Soomaaliya. Hibaaq Jaamac oo ah Xildhibaan xisbiga shaqaalaha oo laga soo doorto xa afada ugu Soomaalida badan magaaladan isla markaana u qaabi lsan Bristol Ganacsiga Caalamiga iyo Maalgashiga (International trade and investment) ayaa soo dhaweeysay madaxweyne Xasan Sheekh waxayna ku dheer atay fursad aha ka jiro wad ankan dhanka dhaqaalaha oo ay haboon tah ay in laga faa’iideeysato.

Xildhibaan Xasan Maca lin oo isna ka mid ahaa wafd igii la socday madaxweynihii hore ay aa wuxuu ku dheer aaday arim aha xisbiga iyo si da ay iyaga u rabaan in qof walbo oo Soo maali ah ka qeybqaato.

Ugu danbeyn rausalwasaarihii hore ee dowlada kumeelgaarka Soo maaliya mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) ayaa mikrafoonka kusoo dhaweeyay mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay dadka goobta fadhiya aad iyo aad u sugayeen.

Madaxweynihii hore ayaa hadalkiisa waxuu ku bilaabay inuu aad ugu faraxsan yahay imaatinkiisa magaalada Bristol oo weliba si heer sare ah loogu soo dhaweeyay. Wuxuu kaloo sheegay inuu la socdo in ay Bristol tahay magaalo Qofkii ama siyaasigii ay dhabarka ka taa btaan uu helaayo wuxuu rabo markaa wuxuu yiri: "reer Bristoloow anigana waxaan idinka rabaa inaad dhabarka iga taabataan”

Mudane Xasan Sheekh wuxuu ku dheeraaday inay dowladnimada iyo meesha laga soo bilaabay iyo inuu madaxweyne kastaa meel gaa rsiinaayay oo ay taa ku timid ugu danbeyn in isaga uu si diimuq uraadiyad leh ugu wareejiyo xilka madaxweynenimo Maxamed C/hi Farmaajo markii laga guuleeystay. Waxuu dadweynaha ugu baaqay inay ilaashtaan dowladnimadooda. Tan kale madaxweyne Xasan wux uu xusay in ay Xisbiga Midnimada Nabada iyo Horumarka ay daah fureen.

Xisbigaas waxaa ku midoobay dhowr xisbi waxuuna ka shqeey ndoona danta shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Re er Bristol waxaa looga baahan yahay inay xubno ka noqdaan dhaqaa lena ku taageeraan ayuu yiri madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud. Xafladaas ayaa waxaa laysku raacay inay eheed mid aad u qurux badan waxayna kusoo dhamaatay guul.

Dhamaan dadkii kasoo qeyb galay waxay isku raaceen inuu Xasan Sheekh Maxamuud yahay hogaamiye ay Soomaaliya u baahan tahay.

OGEYSIIS     OGEYSIIS



SOMALIA


DIGNIINTA  CALAMADA -

 

OGEYSIISKA GUUD

_______________________

THISWORLD


OGAYSIIS WAA BIXINAYAA in calaamadda ganacsiga ee kor ku xusan

tahay calaamadda ganacsiga ee:

Here Starts, S.L., a Spanish limited liability company of c/ Eloy Gonzalo Nº 27,

28010 Madrid, Spain

waxaana loo isticmaalaa iyadoo lala xiriirinayo:

Adeegyada xiriirka bulshada ee internetka; bixinta bog internet oo loogu talagalay ujeedada xiriirka bulshada; iyada oo la siinayo shabakada internetka ee shabakadda bulshada ee loogu talagalay ujeedooyinka madadaalada; Adeegyada xiriirka bulshada ee internetka; adeegyada sharciga; bixinta adeegyo bulsheed iyo macluumaad ku saabsan horumarinta shakhsi ahaaneed; adeegga shabakada bulshada ee internetka; Adeegyada internetka ee shabakadaha bulshada ee laga heli karo adoo isticmaalaya codsiyada moobiilka lagu soo iibsado

OGAYSIIS WAXAA KA BEDELAYaa in dacwad sharci ah laga qaadi doono qof kasta ama shirkad isticmaala calaamada ganacsiga ama wax kasta oo la midabtakooro ama kuwa kale ku xadgudbo xuquuqda shirkaddaas.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip