Xildhibaan ayaa markuu xildoonka ahaa ku hal qabsan jiray Dalkeyga, Markuu ololaha galayna, "Dadkeyga", markii uu…Nasashada Jimcaha .Q- 118 aad.

0
Friday October 19, 2018 - 20:13:06 in Wararka by
  • Visits: 694
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan ayaa markuu xildoonka ahaa ku hal qabsan jiray Dalkeyga, Markuu ololaha galayna, "Dadkeyga", markii uu…Nasashada Jimcaha .Q- 118 aad.

    1-wiil ayaa yiri: Aabe calooshaa i xanuunee, Aabihii ayaa yiri: waxaa faaruq ah calooshaada sidaa ayey kula xanuunee. Wiilkii ayaa yiri: Waan kasay waxa mar kasta adigana madaxu kuu xanuunu, waa faaruq. (Horta maxaa mar kasta Madaxda, Madaxu la xa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-wiil ayaa yiri: Aabe calooshaa i xanuunee, Aabihii ayaa yiri: waxaa faaruq ah calooshaada sidaa ayey kula xanuunee. Wiilkii ayaa yiri: Waan kasay waxa mar kasta adigana madaxu kuu xanuunu, waa faaruq. (Horta maxaa mar kasta Madaxda, Madaxu la xanuunaa oo Coffee ay u dalbadaan?.) 2-Nin iyo Xaaskiisa oo Afrika dalxiis ku jooga oo keynta dhax marayo. watana Qori AK 47ah oo ey isku difaacaan iyo Kamera ey wax ku sawirtaan, ayaa meel dhaw Libaax uga soo baxay, Xaaskii ayuuna ku dhagay, waxa ey ku qeeylisay war xabbad ku dhufu, waxa uu yiri: wax yar ii sug, Kaamerada ayaan Beteriga ka bedelaahe. ( f.S: 1aad).





( Madaxa shaqaalaha ayaa yiri: Mudane wasiir: dhaqaala badan ayaa soo xarooday, baahi ayaa jirto, dhaawac ayaa isbitaalada yaal, bishaan mushaar lama qaadan. Wasiirkii ayaa yiri: ii sug beesha caalamka ayaa iga wacday shir looga hadlayo cimilada Aduunka oo muhim noo ah)

3-Haweeney ayaa Ninkeedii ku tiri: ii dhiib Talefonkaaga hal daqiiqo aan qof ka wacdee?.waxa uu yiri: ii sug aan kuu shidee, waa dansan yahye.

Wuxuu bilaabay inuu tir tiro Sawiradii gabdhaha. Kadibna liiska magacyada gabdhaha. Kadibna intii soo wacday ayuu tir tiray..tir tir ,tir tir, kadibna Memory Card-kii ayuu format gareeysy, kadibna Mobilkii ayuu Reset gareyay.


Markaa ayuu yiri: Hoo dirso. waxay tiri: iska heyso waxaan rabay inaan ogaado waqtiga, ay kugu qaadane tir tiridu. ( F.S: 2aad).

4-Nin ayaa telefonkiisa ku qortay numbarka saaxiibtiis magaca " Nolosheeyda”. Markuu guursaday ayuu u bedelay isla numbarkii "Xaaskeeyga”, 2 sanno kadibna "gurigeeyga”. 5 sanno kadibna "Hitler”.10 sano kadibna " wrong Number”. Maxaa is bedelay.

( Xildhibaan ayaa markuu xildoonka ahaa ku hal qabsan jiray "Dalkeyga”.Markuu ololaha galayna " Dadkeyga”, Markii la doortayna " Qabiilkeyga”, sannad kadibna "Jeebkeeyga” laba sanno kadibna " teeydaa i heysato” saddax sanno kadibna " maxaa iga galay” 4 sanno kadibna " ………….” ).

5-wiil doqon ah ayaa Gabr saaxiibtii ah ku yiri: waxaan rabaa in aan wax ku tusiyo macaanto. Waxa ey tiri: ogol ,I tusi Xabiibi. Waxa uu yiri: Ma kugu dhax tusi karaa Qolkaaga. Waxa ey tiri: ok, soo gal. waxa uu yiri: Albaabka xir. waxa xirtay. waxa uu yiri: Dariishaddana xir. waa xirtay. Waxa uu yiri: Nalka dami. Waa damisay. Waxa uu yiri: indhaha isku qabo ee gacanteeyda qabo, wey qabatay waxa eey tiri: woow, waa maxaay?. Waxa uu yiri: gacanta ka qaad ee fiiri, waa saacadeyda cusub Mugdigana waa ku iftiimeysaa.( F.S: 3aad).

(weligaa adiga oo Mas’uul ka sugaya wax kaa yaabiya maku yiri: Sawirkaan waa Anniga iyo Xaaskeeyga).

6- oday ayaa waxa uu Madaxa ku lahaa 3 xabbo oo timo ah oo kaliya, waxa uu u tagay tima jare. Tima jarihii oo la yaaban ayaa ku yiri: Makaa siisiibaa 3dan xabo, mise waa kaa xiiraa?. Odaygii ayaa ku yiri: Maya ee ii madoobeey, Caawa waan casuumanahaye. ( F.S: 3aad).

(…………………………).

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip