Guddoomiyaha GOS oo hambalyo u diray Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Cagta

0
Sunday January 10, 2016 - 11:06:40 in Wararka by
  • Visits: 575
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha GOS oo hambalyo u diray Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Cagta

    Guddoomiyaha hey'ada ugu sareysa Isboortiga Soomaaliya ee GOS Mudane Cabdulaahi Axmed Tarabi, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ahna guddoomiye ku xigeenka CECAFA Cabdiqani Saciid Carab oo maalm

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha hey'ada ugu sareysa Isboortiga Soomaaliya ee GOS Mudane Cabdulaahi Axmed Tarabi, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ahna guddoomiye ku xigeenka CECAFA Cabdiqani Saciid Carab oo maalmihii lasoo dhaafay guulo taariikhi ah usoo hooyay umadda Soomaaliyeed. Guddoomiye Cabdulaahi Axmed Tarabi oo dhambaal hambalyo ah soo gaarsiiyay Guddomiye Cabdiqani maanta ayaa sheegay in caleema saarkii Cabdiqani loo caleema saaray guddoomiyaha ugu fiican qaarada Afrika ay ka dhigan tahay guul farxadeed oo uosoo hoyatay Guddiga Olimbikada, xiriiradiiisa iyo umada Soomaaliyeed oo dhan.

Guddoomiye Cabdiqani Saciid Carb oo xiriirka uu madaxda ka yahay ee kubada cagtu uu ka mid yahay xiriirada hoos yimaada Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed ayaa muddo 3 maalmood gudohood ah waxaa uu umada Soomaaliyeed usoo hooyay taariikh lagu farxo.

Waxaa ay ahayd 4-tii bishan Janaayo markii guddoomiye Cabdiqani magaalada Khartoum ee dalka Sudan loogu doortay guddoomiye ku xigeenka ururka kubada cagta ee bariga iyo bartamaha Afrika, halka 7-dii bisha oo sadex maalin uun ay u dhexeysay magaalada Abuja ee dalka Nigeria loogu caleema saaray guddoomiyaha ugu wanaagsan qaarada Afrika.

"Aniga oo ku hadlayo magaceyga, kan Olimbikada iyo dhamaan xiriirada hoosyimaada GOS waxaan hambalyo u dirayaa guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab, oo seddex maalmood gudahood guul weyn u soo hooyay guddiga Olimbikada, xiriiradiisa iyo ummada Soomaaliyeed oo dhan. Tani waxa ay na tusineysaa horumarka ay sameyneyso kubbadda Cagta Soomaaliya, waxaan leenahay dhammaan inta ku howlan horumarinta kubbadda cagta Soomaaliya hambalyo.”ayuu guddoomiyaha GOS Mudane Cabdulaahi Axmed Tarabi ku yiri dhambaalka hambalyada ah ee uu soo gaarsiiyay Guddoomiye cabdiqani.

W/D Cumar Ibraahim Cabdisalaam


Somali Football Federation Media Department
Email: omar.ibrahim@somsoccer.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip