Juventus oo kula biirtay Kooxaha Barcelona iyo Manchester City loolanka ciyaaryahan Mattchijs De ligt

0
Thursday October 18, 2018 - 11:57:11 in Wararka by
  • Visits: 536
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Juventus oo kula biirtay Kooxaha Barcelona iyo Manchester City loolanka ciyaaryahan Mattchijs De ligt

    Kooxda reer talyaani ee juventus ayaa Kula biirtay kooxaha Manchester city iyo Barcelona loolanka ciyaaryahanka difaaca ka ciyaara Matthijs De ligt. De light waa wiil curdun ah kaasi oo mustaqbal ifaayo ku dhex leh saxaaxada kubadda cagta waxaana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda reer talyaani ee juventus ayaa Kula biirtay kooxaha Manchester city iyo Barcelona loolanka ciyaaryahanka difaaca ka ciyaara Matthijs De ligt. De light waa wiil curdun ah kaasi oo mustaqbal ifaayo ku dhex leh saxaaxada kubadda cagta waxaana uu haatan katirsan yahay kooxda reer Holand ee Ajax.

Naadiga Ajax Amsterdam waxeey dooneeysaa in laacibkan ay iibiso si ay u hesho lacago badan oo ay kusoo iibsan karto ciyaartooy boosas kala duwan ka ciyaari karta.

Sida ay daabacday Majalada Goal Macalinka hogaamiya Juventus Masimiliano Allegri ayaa aad ula dhacay hanaanka uu u ciyaaro laacibkan da,da yar.

Sababaha ugu weyn ee kooxda Juventus ay u dooneeyso laacibkan ayaa ah in da,da ay kadaba timid ciyaaryahanada kala ah Leanardo Bonucci iyo kabtan Chellini.

19 sano jirkan ayaa lagu qiimeeyaa Aduun dhan 50M waxaana kooxaha Juventus, Barcelona iyo Manchester City Dhamaantooda ay ku dagaalami doonaan marka lagaaro suuqa jiilaalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip