QAXOOTI YEMENIYIIN OO SOO GAARAY DALALKA SOOMAALIYA IYO JABUUTI.
Biyaha Yemen ay la wadaagto Soomaaliya iyo Jabuuti ayay kasoo talaabeen Qoysaskaan, kadib markii xaaladda nololeed ay ku xumaatay.
Dadkaan Waxaa isku biirsaday Colaad, Cunno la’laan, Cuduro, Shaqo la’aan iyo go’doon saaran deegaanadooda oo marti u noqday Dagaalada aan dhammaadka laheyn.
Tan iyo Bishii September Xog uruurin lagu sameeyay Qul-qulka Yemeniyiinta ayaa lagu sheegay in ay sare u kacayeen Qaxootiga Yemeniyiinta tan iyo Bilowgii Colaadda Yemen.
Dadka Yemen ayaa ee Xog uruurintaan lagu sameeyay ayaa ereyada ay ka mideysan yihiin laga soo qaatay "Dariskeena waxa uu naga xirtay Albaabka” oo ay ula jeedaan in Sacuudiga aan u ogolaan in Dalkiisa ay galaan.
Waxa ay dalbadeen in gurmad lagu siiyo Dalalka ay joogaan oo ay ku barakaceen, maadaama Dalkooda ay ku waayeen cid ku gacan siisa.
Qaarkood ayaa sheegay in Dagaalada iyo Duqeynta ay u dulqaateen oo ay ku noolaayeen Dalkooda, balse waxa ku kalifay in ay Qaxooti noqdaan ay tahay in ay waayeen wax ay cunaan, qaarkoodne ay caleenka Geedaha cuneen.
Safarka ay ugu soo tageen Yemen oo ay ku gaareen Soomaaliya iyo Jabuuti ayay sheegeen qaarkood Dadka Yemeniyiinta in ay kusoo rafaadeen oo Carruurtooda Dhaxanta Biyaha Badda u adkeysan waayeen.
Markii ay tageen waxa ay sheegeen in ay ku adkaatay la qabsiga Cimilada, Maadaama Dalkii ay yimaadeen iyo kuwa ay tageen ay kala duwan yihiin Cimilada.
Isha Warkaan Oman News Agency (ONA).
QAXOOTI YEMENIYIIN OO SOO GAARAY DALALKA SOOMAALIYA IYO JABUUTI.
Warbixin laga diyaariyay Xaaladda Cunno la'aan ee Dalka Yemen ayaa lagu sheegay in Boqolaal qoys ay usoo barakaceen Dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti si ay u helaan Cunno iyo meelo ay Noloshooda ay ku darabaan.