Madaxweynaha Jubbaland oo kormeeray Xarumaha Wasaaradaha Jubbaland
Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu kormeeray Wasaarada Maaliyada oo ay xiligaas gudiga midaynta dakhligu u fadhiyeen shirkoodii maalinlaha ahaa isla mar kaana uu shir gudoominayay Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Luga dheere , Madaxweynahu wuxuu Warbixin la xiriirta hanaanka midaynta dakhliga iyo uruurintiisa uu ka dhagaystay xubnaha howshan u xilsaaran isagoo ku booriyay in ay howlaha ay hayaan ay sii laba jibaaraan oo ay ka miro dhaliyaan.
Intaas kadib Madaxweynahu wuxuu kormeeray Wasaaradaha Waxbarashada , tan Xanaanada Xoolaha iyo Ganacsiga isagoo warbixino la xiriira sida ay shaqada u socoto ka dhagaystay Wasiirada Wasaaradaha iyo waaxyaha kala duwan , si gaar ah Madaxweynuhu wuxuuu Wasaarada Ganacsiga ku booriyay qorshaha ay wado ee Bandhiga Ganacsiga Jubbaland iyo in maalgalinta xooga la saaro isagoo sheegay in cidii hirgalinaysa fikrado ganacsi lasoo dhawaynayo.
Madaxweynuhu waxaa kale oo uu kormeeray Wasaarada Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah iyo Wasaarada Arimaha Gudaha Labada Wasiir ee Wasaaradahan iyo shaqaalaha kala duwan ayuu Madaxweynahu ka xog waraystay sida ay shaqadu u socoto isagoo ugu danbayn booqday Taliska qaybta Ciidanka Booliska.
Kormeerkan ayaa looga gollahaa xoojinta iyo Dardargelinta adeegyada loo qabanayo bulshada si nidaamka dowladnimo hoos loogu daadjiyo heer gobol ilaa heer tuulo.
Sidookale Kormeerkan ayaa ahaa mid lagula xisaabtamayo laguna hubinayo shaqada golaha xukuumada iyo Dowladaha hoose isla markaasna lagu dhiiri galinayo shaqaalaha wasaaradaha si ay si hufan ugu gutaan waajibaadka shaqo ee bulshada u hayaan.
Madaxweynaha Jubbaland oo kormeeray Xarumaha Wasaaradaha Jubbaland
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo uu wehelinayo madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Jubaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta kormeer ku tagay Wasaarado iyo Xarumo kale oo ay ku shaqeeyaan Hay'adaha Dowliga