Ganacsatada ugu waaweyn dalka Turkiga oo xafiis ka furtay Muqdisho

0
Wednesday October 17, 2018 - 19:41:35 in Wararka by
  • Visits: 305
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsatada ugu waaweyn dalka Turkiga oo xafiis ka furtay Muqdisho

    Ururka ugu weyn ee ganacsatada xorta ah ee dalka Turkiga (MUSIAD) ayaa ka furtay xafiis caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka ugu weyn ee ganacsatada xorta ah ee dalka Turkiga (MUSIAD) ayaa ka furtay xafiis caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho

MUSIAD ayaa waxaa ay gaartey illaa iyo 79 dal wadamada caalamka ee ay xarumaha ku leedahay,waxayna haatan dooneysaa in ay sii balaariso ganacsiga ay ku leedahay qaarada Afrika.

Ibrahim Uyar, madaxa ururka MUSIAD ee arrimaha dibbada ayaa sheegay in ujeedadoodu ay tahay sidii loo kordhin lahaa xiriirka dhaqaale iyo mid ganacsi ee ay la leeyihiin dalka Soomaaliya oo uu ku tilmaamay inuu yahay dal walaal la ah wadanka Turkiga.

Turkiga ayaa sanadkii aynu ka soo gudubnay waxa uu u soo dhoofiyay dalka Soomaaliya badeeco lagu qiimeeyay $143 malyan oo dollar halka ganacsato Soomaali ah u dhoofiyeen Turkiga badeeco lagu qiimeeyay hal malyan oo dollar.



Wakiilka cusub ee MUSIAD dalka Somaliya Ahmet Sami Isler ayaa sheegay in kooxdiisu aysan ka lahayn dalka Soomaaliya ujeedo gumeysi ah, balse waxa uu intaa ku daray in ay doonayaan inay u tarjumaan xiriirka labada dhinac ganacsi sii kordha. MUSIAD’s new Somalia representative.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip