Mahad Salaad "Waa in Ciidamada ay dhowraan xasaanada Xildhibaanada"

0
Wednesday October 17, 2018 - 19:09:43 in Wararka by
  • Visits: 270
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mahad Salaad "Waa in Ciidamada ay dhowraan xasaanada Xildhibaanada"

    Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa ka hadlay dhacdo saakay ku qabsatay agagaarka Isgoyska Zoobe, halkaasoo Ciidamo ka tirsan Booliska ay is hortaag ku sameeyeen gaari uu la socday, xilli uu ku sii jeeday xarunta Baarlamaanka. Qoraal uu soo dhigay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa ka hadlay dhacdo saakay ku qabsatay agagaarka Isgoyska Zoobe, halkaasoo Ciidamo ka tirsan Booliska ay is hortaag ku sameeyeen gaari uu la socday, xilli uu ku sii jeeday xarunta Baarlamaanka. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu kaga hadlay qaabkii ay ula dhaqmeen Ciidamo ka tirsan Booliska oo wadada u xirneyd, kuna amreen inuu laabto.

"Saakay 10:00 subaxnimo aniga oo u socda xarunta Golaha Shacabka ayaa Isgoyska Zoobe waxaa nagu celiyay ciidamo Boolis ah oo wadadu u xirneed, Kadibna waxay amar nagu siiyeen inaan Kala wareegno, Waxaan u sheegay inaan Xildhibaan ahay, una socdo xarunteyda shaqo ee Golaha Shacabka, waxayna nagu dhaheen amar ayaan qabnaa oo kuma sii daynayno, Waxaan ka codsaday in ay noogu yeeraan taliyahooda, wuxuuna ii sheegay askarigii ila hadlayay in uu isagu meeshaan taliye ka yahay, amarna uu qabo uusana na sii daynayn”ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad oo ugu baaqay Ciidamada inay dhowraan xasaanada Xildhibaanada iyo xoriyadda dadka shacabka ah.

Xuldhibaanka ayaa sheegay in Ciidamada ay qori ku qabteen gaarigiisa, isagoo xusay in ciidamo ilaalo u ahaa oo la socday ay qoriga kula dhageen askarta, isla markaana xabado lagu riday, waxaana uu intaa ku daray inuu ku soo baxay oo uu gaariga ka soo degay, si uu xaalada u dejiyo.

"Gaariga ayaa ka soo dagay waxaanan ka codsaday in qoryaha askarta ay ka fuqaan iina ogolaadaan inaan la hadlo taliyahooda. Kadibna xabado ayaa nalugu riday, muddo kadib ayaa waxaa noo yimid saraakiil boolis ah waxayna balan qaadeen in ay tallaabo ka qaadi doonaan askartii falkaan ka mas’uulka ahaa”ayuu yiri Xildhigaan Mahad Salaad.



Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa guddi u saaray dhacdadan in muddo 48 saacadood inay jawaab uga keenaan, kaddib markii saaka Xildhibaano dhowr ah is hortaag lagu sameeyay xilli ay ku soo wajahnaayeen xarunta Golaha Shacabka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip