Dhageyso:-Madaxweynihii Hore Ee Somalia Oo Go'aankii DFS Ku Teegaartay Sacuudiga Ku Tilmaamay Fudeed Siyaasadeed
Maalma ka hor Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa taageero ay u muujisay Dowladda Sacuudiga oo haatan uu ka ladhaxeeyo khilaaf ka dhashay dilkii Wariye Jamal Khashoggi dowladda Turkiga.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamed ayaa ka hadlay mowqifka Dowladda Soomaaliya ku taagertay dowladda Sacuudiga iyo saameynta ay ku yeelan karto.
xigasho:-radiodalsan.com
Isaga oo Wareysi siinayay Idaacadda Voa-da laanteeda Afka Somaaliga ayuu sheegay in xilligaan uusan garan kari sababaha ay dowladda ku teegeerto Sacuudiga,isla markaana uu u arko inay tahay fudeed Siyaasadeed.
Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in ay tahay arrin aad u adag in Sacuudi iyo turkiga loo kala safto,waxaana uu sheegay in dowladda Turkiga ay dhaqaalo iyo dhinac walba taageero u siiso Soomaaliya.
Hayeeshee uu yahay Turkiga dalka kaliya ee taageerada weyn siiyo Soomaaliya ayna wanaagsaneyd in dowladda federaalka xalka labadaasi dowladood waxka raadiso ama aysan faraha la gelin.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xasan Sheekh Maxamuud.
Audio Player0
Dhageyso:-Madaxweynihii Hore Ee Somalia Oo Go'aankii DFS Ku Teegaartay Sacuudiga Ku Tilmaamay Fudeed Siyaasadeed
Maalma ka hor Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa taageero ay u muujisay Dowladda Sacuudiga oo haatan uu ka ladhaxeeyo khilaaf ka dhashay dilkii Wariye Jamal Khashoggi dowladda Turkiga. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamed aya