Harry Kane oo ka jawaabay inuu ku biirayo Real Madrid

0
Wednesday October 17, 2018 - 12:26:20 in Wararka by
  • Visits: 1153
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Harry Kane oo ka jawaabay inuu ku biirayo Real Madrid

    Weeraryahanka kooxda Tottenham Hotspur ee Harry Kane ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya inuu ku biirayo kooxda Real Madrid, mar la weydiiyay. Weeraryahankan cajiib ka ah kaasoo dhowr jeer lala xiriiriyay Real Madrid ayaa xalay qayb ka ahaa xulkii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraryahanka kooxda Tottenham Hotspur ee Harry Kane ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya inuu ku biirayo kooxda Real Madrid, mar la weydiiyay. Weeraryahankan cajiib ka ah kaasoo dhowr jeer lala xiriiriyay Real Madrid ayaa xalay qayb ka ahaa xulkii England ee 3-2 kaga adkaaday Spain.

"Waan ka xumahay, maanta ma ahan” ayuu Kane ugu jawaabay werriye ka tirsan Marca mar uu kasii baxaayay garoonka ciyaarta ka dhacday ee Estadio Benito Villamarin kaasoo ku yaalla magaalada Seville.

Captain-ka England ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah weeraryahannada ugu wanaagsan kubadda cagta xilligan, iyadoo taageerayaasha Real Madrid ay jecelyihiin inay kooxdoodu ku arkaan.

Los Blancos ayaa ciyaaryahankan xagaagii lasoo dhaafay aad u xiiseyneysay, balse waxa uu go’aansaday inuu kusii nagaado Premier League, waxaana uu heshiis cusub uu u saxiixay Spurs.

25-jirkan ayaa lix gool u dhaliyay Tottenham 10 kullan oo uu xilli ciyaareedkan u saftay, halka Real Madrid aysan wax gool ah dhalinin afar kullan oo xiriir ah, taasoo ka dhigeysa inay dhex dabaallanayaan abaartii ugu xumeyd tan iyo 1985.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip