Barcelona mise Juventus? Pogba oo aqbalay inuu ku biiro kooxdiisa xigta!

0
Wednesday October 17, 2018 - 00:02:17 in Wararka by
  • Visits: 573
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barcelona mise Juventus? Pogba oo aqbalay inuu ku biiro kooxdiisa xigta!

    Laacibka kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa mustaqbalkiisa uu lulanayaa, waxaana sii kordheysa hadal heynta ku aaddan isku dhaca isaga iyo Jose Mourinho, kaasoo ka qaaday xilka Captain ku xigeen ee naadiga. Ku guuleystaha Koobka Adduunka ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laacibka kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa mustaqbalkiisa uu lulanayaa, waxaana sii kordheysa hadal heynta ku aaddan isku dhaca isaga iyo Jose Mourinho, kaasoo ka qaaday xilka Captain ku xigeen ee naadiga. Ku guuleystaha Koobka Adduunka ayaa aqbalay inuu ku biiro kooxda Barcelona isagoo la gaaray heshiis hor dhac ah. Rai Sportayaa soo jeedinaysa in wakiilka kubbad qaabeeyahan ee Mino Raiola uu soo dhammeeyay heshiis hor dhac ah oo ay Barca xiddiggan ku qaadaneyso, hase ahaatee lama xaqiijinin in uu dhici doono bisha January ama xagaaga dambe.

Pogba ayaa suuqii xagaaga si aad ah ugu baahi qabay inuu dhabarka tuso garoonka Old Trafford iyadoo kooxda La Liga heysato ay loollankiisa kaga horreysay Juventus oo dooneysa inay dib ugu celiso Serie A iyo magaalada Turin.

United madaxdeeda ayaa ka ka dhiidhinaya inay si sahal ah ku iibiyaan xiddigga reer France maadaama lacago xoog badan oo uu ku noqday xiddigga ugu qaalisan kubadda cagta ay kusoo qaateen laba sano ka hor.

Si kastaba ha ahaatee, Pogba ayaanan ku faraxsanayn inuu nagi kusii ahaa Red Devils, waxaana uu si cad u doonayaa inuu halkan ku simo qanacsanaan la’aanta ka heysato kooxda Manchester United.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip