Maxaa qabsaday Spain, England oo marti ahaanshahada ku xad gudubtay iyo rkoorradii laga diiwaan geliyay ciyaartii xalay!

0
Tuesday October 16, 2018 - 23:59:39 in Wararka by
  • Visits: 560
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa qabsaday Spain, England oo marti ahaanshahada ku xad gudubtay iyo rkoorradii laga diiwaan geliyay ciyaartii xalay!

    Mid ka mid ah ciyaarraha ay adagtahay in la sadaaliyo iyo natiijo naxdin ku ah qaranka Spanish-ka ayaa xalay ka dhalatay kullankii tartanka UEFA Nations League ee dhex maray Spain iyo England. Ingiriiska ayaa wacdaro ku dhigay dhiggiisa, weliba isag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid ka mid ah ciyaarraha ay adagtahay in la sadaaliyo iyo natiijo naxdin ku ah qaranka Spanish-ka ayaa xalay ka dhalatay kullankii tartanka UEFA Nations League ee dhex maray Spain iyo England. Ingiriiska ayaa wacdaro ku dhigay dhiggiisa, weliba isagoo marti ah, waxaana natiijada ciyaarta ay meel u rideen qaybtii hore ee ciyaarta. Goolal ka kala yimid Marcus Rashfor iyo Raheem Sterling ayaa England qaybta hore ee ciyaarta heshay, inkastoo markii la isu soo laabtay ay goolal Spain u soo celiyeen Paco Alcacer iyo Sergio Ramos, taasoo natiijada ciyaarta ka dhigtay in qaranka Macallin Gareth Southgate ay 3-2 ku quusiyaan xulka uu hooggaamiyo Luis Enrique.

Haddaba maxaa kale oo ka dhashay ciyaarahaas oo rkioor ah?

Raheem Sterling ayaa markii ugu horreysay qaranka England gool u dhaliyay tan iyo October 2015 ciyaar Stonia ay wajaheen, waxaana muddada uusan Ingiriiska gool u dhalinin ay tahay 1102 maalmood.

Waxay xalay ahayd markii ugu horreysay ee Sterling uu laba gool u dhaliyo xulkiisa hal ciyaar ebid, sidoo kale waxa ay habeen gaar ah u ahayd Harry Kane kaasoo markii ugu horreysay laba gool hal ciyaar caawiya isagoo Ingiriiska u ciyaarayo.

Xalay waxay noqotay markii ugu horreysay ee Spain garoonkooda loogaga dhaliyo saddex gool tartan rasmi ah iyagoo ciyaarayaan.

Nathaniel Chalobah ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee ka ciyaara garoonka bartankiisa(laga reebo Goolhayeyaasha) ee matala qaranka England isagoo ka tirsan naadiga Watford tan iyo John Barnes oo ka hortagay Brazil 1987.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip