Ramos oo fal anshax xumo ah ah kula kacay garsoore Szymon Marciniak

0
Tuesday October 16, 2018 - 23:55:59 in Wararka by
  • Visits: 592
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ramos oo fal anshax xumo ah ah kula kacay garsoore Szymon Marciniak

    Laacibka kooxda Barcelona ee Sergio Busquets ayaa hadda dhexda kaga jira fadeexo kulul inkastoo uu goor dambe uu raalli gelin ka bixiyay. Buruburiyaha kooxda Barca ayaa ku sugnaa xaalad lagu cabbiri karo xanaaq, markii uu goolka labaad Spain u dhaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laacibka kooxda Barcelona ee Sergio Busquets ayaa hadda dhexda kaga jira fadeexo kulul inkastoo uu goor dambe uu raalli gelin ka bixiyay. Buruburiyaha kooxda Barca ayaa ku sugnaa xaalad lagu cabbiri karo xanaaq, markii uu goolka labaad Spain u dhaalinayay Sergio Ramos, xilligaas oo uu garoosrka durba ku dhawaaqay inay ciyaarta idlaatay.

Xilli saacaddu ay ku dhoweyda 98 daqiiqo, isla markaasna la ciyaaray toddobo daqiiqo oo lagu daray, maadaama dhowr jeer ay istaagtay 90-kii daqiiqo.

Markii Ramos oo shabaqa dul dhigay kubadda, isla markaasna ay xiddigaha u rucleynayeen inay soo gaaraan wareegga dhexda ee laga billaabo ciyaarta ayuu garsoore Szymon Marciniak ka dhawaajiyay firimbiga ciyaarta uu ku dhammeeyay.

Dhammaan xiddigaha xulka La Roja ayaa isku gadaamay garooraha reer Poland, waxaana kubadd ku tuuray garsooraha Sergio Busquets.

Balse Marca ayaa laga soo xigtay in 30 jirkan uu raalli geliyay garsoore Marciniak, isla markaasna uu u sheegay sababta uu kubadda ugu soo tuurray.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip