Dowladda Soomaaliya oo toddobaadkan horkaceysa shirar muhiim ah, laguna gorfeynayo siyaasadda dalka

0
Sunday January 10, 2016 - 10:27:23 in Wararka by
  • Visits: 562
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo toddobaadkan horkaceysa shirar muhiim ah, laguna gorfeynayo siyaasadda dalka

    Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa toddobaadkan horkici doonta kulamo iyo shirar muhiim u ah baahinta xukunka, dib u heshiisiinta iyo Hiigsiga 2016.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa toddobaadkan horkici doonta kulamo iyo shirar muhiim u ah baahinta xukunka, dib u heshiisiinta iyo Hiigsiga 2016.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in toddobaadkan uu dhacayo shirkii wada tashiga ee lagu ballansanaa inuu Kismaayo ka dhaco, dhanka kalena uu furmayo shirka maamul u sameynta gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta ka dhacaya kulamo hordhac ah oo uu horkacayo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, waxaana ka soo qeybgalaya Madaxweyneyaasha maamullada Jubba, Axmed Maxamed Islaam, Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed, Puntland, Cabdiweli Maxamed Gaas iyo Koonfuur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Wararka ayaa sheegaya in shirka wada tashiga lagu go’aamin doono hanaanka doorashooyinka, iyadoo la filayo inay ka soo baxaan hal aragti oo la qaadan doono, si dalka doorasho uga dhacdo Agosto kadib.

Kulamadan hordhaca ah ayaa waxaa diiradda lagu saari doona xiriirka ka dhexeeya maamullada, xalinta wixii tabashooyin ah oo jira, dhameystirka heshiiskii lagu soo afjarey colaaddii Gaalkacyo iyo u diyaar garowga kulanka sare ee wadatashiga ee lagu go’aamin doono nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa sannadkan 2016-ka.

Dhinaca kale shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe ayaa isna todobaadkan furmi doona, iyadoo laga yaabo in maalinta Talaadada uu shirkaas si rasmi ah u furmo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip