Mareykanka oo loo gacan gelinayo El Chapo
Dowladda Mexico ayaa lagu wadaa inay u gacan geliso dowladda Mareykanka ninka adduunka loogu doonista badnaa ee ka ganacsada daroogada Joaquin Guzman (El Chapo), kaasoo jimcihii dib loo qabtay.
El Chapo ayaa lix bilood ka hor ka baxsaday xabsi si aad ah loo ilaaliyo oo ku yaala Caasimada Mexico City, iyadoo howl gal ballaaran oo lagu baadigoobayay ay ka socdeen dalka oo dhan, intii uu baxsadka ahaa.
Joaquin Guzman ayaa lagu naaneysaa Ninkii Gaabkaa ayaa waxaa haatan dib loogu celiyay xabsigii uu sida layaabka leh uga baxsaday.
Mareykanka iyo Mexico ayaa waxaa ka dhaxeeya iskaashi ku aadan is-dhaafsiga maxaabiista, waxaana uu lacag badan ka sameeyay daroogada loo dhoofiyo Mareykanka iyo dunida inteeda kale.
Mareykanka ayaa doonaya in El Chapo uu ka ogaado xog ku saabsan ganacsigiisa daroogada iyo saraakiisha Mexico ee uu xiriirka la leeyahay ama uu lacagaha siiyo.
Lama oga waqtiga la wareejinayo, hase ahaatee Xeer Ilaaliyaha Qaranka Mexico ayaa la sheegay in arrintan kala xaajoonayaan waaxda cadaaladda Mareykanka, si bilaha soo socda loo wareejiyo.