Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar oo ka digay in si qarsoon Somaliya loogu faafiyo mad-habta Shiicada
Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu yiri "Gaar ahaan waqtigan baahida ay jirto, oo dadku aad u dhiban yihiin, oo aad iyo aad ay dhibaato ku soo dhacday, waa lagu fidin karaa, hoos haddii loo fidiyo iyo haddii sida ay yaqaaniinba, sida Nigeria ka dhacday oo kale.”
Sheekh C/raxmaan oo la hadlay VOA, ayaa xusay in Shiicadu ay isu soo qariso Safaarad ama hay’ad ahaan, sidoo kalana ay adeegsato magacyo kaloo badan, iyagoo markaasi ku shaacinaaya fekerka Shiicaynta.
"Sida ka dhacday wadamo badan oo si qarsoodi ah ay Safaarad ahaan ugu taggeen ama hay’ad khayri ah. Magacyo saas oo kale fara-badan, iyadoo la isticmaalaayo ayaa la fidin karaa, oo dad loo adeegsan karaa, lana gelin karaa wadanka.” Ayuu yiri Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar.
Mar wax laga weydiiyay dagaalka u dhaxeeya Suufiyada Somaliya iyo kuwa xagjirka ah, ayuu sheegay in Shiicada ayba ka wayn tahay dagaalka u dhaxeeya dhinacyadaasi.
"Somaliya dagaal sokeeye ayay ku dhex jirtay oo hadda ay ka soo baxday, Ilaahay haka dhameystiro . Iyadoo dadka Suufiyada ama dadka xagjirka ah waxyaalaha ay ku dagaashan yihiin waa wax xadidan ama la dhihi karo la xadidi karo. Laakiin Shiicadu waa khatar ka wayn waxa la’isku khilaafsan yahay, oo aad iyo aad halis u ah oo nacladaayo Abubakar, Cumar iyo caqiidadoodu oo ay ka mid tahay in Kitaabka Qur’aanka uu yahay Kitaab aan dhameystirnayn.” Ayuu yiri Sheekh C/raxmaan
"Dagaalka sokeeye iyo waxaan waa ka sii khatarsan yihiin Shiicada, haddii la’is leynaayana waxa la’isku leynayaa mad-hab. Sunno iyo Shiico ayaa la’isku leynayaa, waxay keynaysaa colaad aad khatar u ah, oo ah in dadka ay amniga halis geliyaan, iyagoo isticmaalaaya wasaa’il qarsoon.” Ayuu sii raaciyay Sheekha.
Culimada Somaliyeed, ayaa si xoogan kaga digtay in dadka Somaliyeed ay qaataan mad-habta Shiicada, iyadoo markaasi laga faa’iideysanaayo xilliga adag ay ku sugan tahay Somaliya.
Soddonkii sano ee ugu dambeysay, ayuu soo xoogeysanaayay fekerka Shiicaynta, wuxuuna noqday feker ay si buuxdo u maamulayso/maalgelinayso dowlad xoog badan (Iran).
XIGASHO:-DHACDO.COM
Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar oo ka digay in si qarsoon Somaliya loogu faafiyo mad-habta Shiicada
Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar oo ka mid ah Culimada Somaliyeed, ayaa waxaa uu ka digay in si qarsoodi ah mad-habta Shiicada loogu faafiyo dalka Somaliya, iyadoo laga fa'iideysanaayo marxaladda adag ee dalku uu ku sugan yahay. Sheekh C/raxmaan