Juventus oo dooneysa soo qaadashada Flobka Kooxda Bayern Munich
Kooxda Juventus ayaa damacsan soo qaadashada flopka Naadiga Bayern Munich ciyaaryahan Renato Sanchez.
Renato Sanchez ayaa kamid ahaa safkii xulka Portugal ka saaciday ku guuleeysiga Koobka qaramada yurub sanadkii 2016.
Xiddigan ayaa noqday mid ku fashilma garoonka Alianza Arena tan iyo markii uu kusoo biiray waxaana uu haatan keyd ka yahay falsafada Macalin Niko Kovac
Tvga Rai ee fadhiguusu uu yahay wadanka talyaaniga ayaa baahiyay in ciyaaryahan Renato sanchez ay dooneeyso kooxda difaacaneeysa horyaalka talyaaniga ee Bianconeri.
Sikastba laacibkan ayaa fasal ciyaareedkii hore ku qarash gareeyay horyaalka English premier league iyo kooxda kubadda cagta ee Swansea city.
Dheymankan dhiiqoobay ayaa haatan diirada saaraya sidii uu ugu soo kaban lahaa musiibada ku habsatay tan iyo markii uu ku biiray kooxda the old lady.
Juventus oo dooneysa soo qaadashada Flobka Kooxda Bayern Munich
Kooxda Juventus ayaa damacsan soo qaadashada flopka Naadiga Bayern Munich ciyaaryahan Renato Sanchez. Renato Sanchez ayaa kamid ahaa safkii xulka Portugal ka saaciday ku guuleeysiga Koobka qaramada yurub sanadkii 2016. Xiddigan ayaa noqday mid