Chelsea oo £20M ku dooneyso xidig Juventus saxiixiisa qal qaalo ugu jirto

0
Sunday October 14, 2018 - 18:55:33 in Wararka by
  • Visits: 643
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chelsea oo £20M ku dooneyso xidig Juventus saxiixiisa qal qaalo ugu jirto

    The Sun ayaa qortay in kooxda Chelsea ay diyaarisay dalab £20m inay kusoo qaadato bisha Janaayo cayaaryahan Juventus qal qaalo ugu jirto saxiixiisa. Sandro Tonali oo khadka dhexe kaga cayaaro naadiga Brescia ayuu macalin Sarri ka dalbaday maam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

The Sun ayaa qortay in kooxda Chelsea ay diyaarisay dalab £20m inay kusoo qaadato bisha Janaayo cayaaryahan Juventus qal qaalo ugu jirto saxiixiisa. Sandro Tonali oo khadka dhexe kaga cayaaro naadiga Brescia ayuu macalin Sarri ka dalbaday maamulka Chelsea in bisha Janaayo loo soo gacan galiyo madaama uu hormar cayaareed oo wacan sameenayo wiilkan.

Macalin Maurizio Sarri wuxuu u arkaa Sandro Tonali inuu badal u noqon karo Cesc Fabregas oo sii duqoobayo sidoo kalena Chelsea diidan tahay heshiis cusub inay ka saxiixdo marka uu xili cayaareedkan soo idlaado.

Sandro Tonali oo 18-jir ah wuxuu ka tirsan xulka Italy ee da’dooda ka hooseyso 19-sano wuxuuna waqti wacan la qaadanayaa naadiga Brescia.

Kooxda Juventus ayaa qal qaalo ugu jirto helista Tonali waxayna u arkaan in Marco Veratti cusub inuu wiilkan yahay waxaana xusid mudan in Veratti isla naadigan Brescia ee Tonali ka tirsan yahay kusoo caan baxay.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip