UEFA Nations League: Hordhaca kullanka Netherlands vs Germany

0
Saturday October 13, 2018 - 23:45:14 in Wararka by
  • Visits: 660
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UEFA Nations League: Hordhaca kullanka Netherlands vs Germany

    Xulka qaranka Netherlands ayaa raadinaya guushiisii ugu horreysay ebid uu ka gaaro tartanka UEFA Nations League maadaama Holland kullankoodii koowaad ee tartankan waxaa guuldarro 2-1 ah u saarisay France, balse bandhiiggooda wacan ee ciyaartaas samee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka qaranka Netherlands ayaa raadinaya guushiisii ugu horreysay ebid uu ka gaaro tartanka UEFA Nations League maadaama Holland kullankoodii koowaad ee tartankan waxaa guuldarro 2-1 ah u saarisay France, balse bandhiiggooda wacan ee ciyaartaas sameeyeen ayaa kalsooni badan gelisay Macallin Ronald Koeman. Germany oo dhibic ka helay Faransiiska ayaa isna booska labaad ee Group-kan ku jira, waxaana isna uu raadinayaa guushiisa koowaad ee tartanka si boos wanaagsan ay u tiigsadaan.

Haddaba labada xul safafkooda maxaa ka cusub?

Netherlands macallinkooda Koeman waxaa safkiisa caawa ku jira afar ciyaaryahan oo ku cusub qaranka Oranje waxaana ay kala yihiinSteven Bergwijn, Pablo Rosario iyo Denzel Dumfries oo saddexdoodaba ka tirsan PSV Eindoven, waxaana Afar ku ah Club Bruge xiddiggeedaArnaut Danjuma Groeneveld kaasoo laga diktoonnaaday inuu dib ugu laabto asalkiisa Nigeria.

Frenkie de Jong ayaa taam u ah kullankan ka dib labadii kullan ugu dambeysay Ajax uu ka maqnaa, waxaase dhaawac xulkan loogaga saarayDavy Propper oo u ciyaara naadiga Brighton.

Dhanka Germany waxaa jira dhaawacyo dhowr ah, sidaKevin Trapp,Leon Goretzka,Marco Reus, Antonio Rudiger iyo Kai Havertz kuwaasoo dhammaantood laga saaray qaranka, waxaana xulkan dib loogu yeerray Emre Can iyo Serge Gnapry sidoo kalena goolhayaha Arsenal ee Bernd Leno ayaa uu u yeerray Joachim Loew

.

Waxaa qaranka Jarmalka ku cusub safkooda isla markaasna kullankiisa ugu horreeya rajeynayo inuu ciyaaro xiddigga kooxda Schalke 04 ee Mark Uth.

Safafka macquulka ah ee ay labada waddan kusoo gali karaan

Netherlands:Cillessen, Dumfries, van Aanholt, De Ligt, Van Dijk, Blind, De Jong, Wijnaldum, Promes, Babel, Memphis

Germany:Neuer; Hector, Boateng, Hummels, Ginter; Kimmich; Kroos, Brandt; Sane, Werner, Muller




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip