Weriye Maxamed Ibrahim Macalimuu oo ka mid noqday saddex weriye oo u tartamaysa abaalmarin Caalami ah

0
Friday October 12, 2018 - 21:02:09 in Wararka by
  • Visits: 1413
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weriye Maxamed Ibrahim Macalimuu oo ka mid noqday saddex weriye oo u tartamaysa abaalmarin Caalami ah

    Weriye Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ah Xoghayaha ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka mid noqday saddexda weriye ee ugu dambeysa kuwaasoo ku tartamaya abaalmarinta caalamiga ah ee weriyaha ugu kartida wanaagsanaa caalamka oo ay bixiso hay'a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weriye Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ah Xoghayaha ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka mid noqday saddexda weriye ee ugu dambeysa kuwaasoo ku tartamaya abaalmarinta caalamiga ah ee weriyaha ugu kartida wanaagsanaa caalamka oo ay bixiso hay'adda Free Press ee fadhigeedu yahay dalka Holland.

Qoraal ay soo saartay hay’adan Free Press ayaa lagu sheegay in muddo 15 sanadood ah uu weriye Maxamed Ibrahim Nur uu si weyn ugu mashquulsanaa juhdi badana geliyay arrimaha saxaafada isagoo dalka Soomaaliya oo dagaalo ay ka dhacayeen uu warar u dirayay wakaalado warar oo caalami ah sida Reuters iyo BBC iyo hay’ado kale oo warbaahineed oo maxali ah.

Sidoo kale hay’ada Free Press ayaa sheegtay in mudadii uu ku howlanaa saxaafada uu weriye Macalimuu ay soo wajahday cabsigelin iyo hanjabaadyo joogta ah, kana badbaaday saddex jeer isku day la doonayay in lagu dilo.

Hay’ada ayaa xustay in Maxamed Ibrahim Nur uu weli howlihiisa saxaafadeed uu sii wato uuna ku dhiiran yahay, iyadoo loo doortay inuu noqdo xoghayaha guud ee ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed waxana uu hogaamiye u yahay illaa 800 oo weriyaal dalka Soomaaliya ku kala firirsan.

Abaalmarintan oo konton weriye oo dhammaan daafaha caalamka laga soo xulay ay ku tartameen ayaa saddexda weriye ee ugu dambeysa ee laga soo dhex saaray kontonkaas waxa ay kala yihiin Maxamed Ibrahim Nur Macalimuu, Abdulmonam Eassa oo u dhashay dalka Siiriya iyo Rana Ayyub oo ah saxafiyad u dhalatay dalka Hindiya, waxaana lagu dhowaaqi doonaa horaanti bisha November ee sanadkan cidda ku guuleysta.



Abaalmarintan oo loogu magac daray Most Resilient Journalist Award ayaa waxaa la siiyaa weriye ama hay’ad warbaahineed oo soo bandhigta geesinimo aan xad lahayn iyo u adkeysi inay warar keenaan. Waa abaalmarin la siiyo weriyaha la kulma hanjabaadyo,afduub iyo dhibaato badan balse sii wata howlihiisa saxafinimo.

Weriye Maxamed Ibrahim Nur Macalimuu ayaa noqday weriyihii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed kaasoo ka mid noqda saddexda ruux ee ugu dambeysa ee ku tartama abaalmarintan heerka caalami ah, waxaan u rajeynaynaa inuu ku guuleysto abaalmarintan weriye Macalimuu maadaama ay tusaale u noqonayso weriyaasha Soomaaliyeed oo bulshadooda u shaqeeya xilli ay dhibaato dhinacyo badan leh ay soo wajahayaan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip