Antonio Griezmann oo sheegay Laacibka u Qalmo Sanadkan jaa,izada Ballon D'or

0
Wednesday October 10, 2018 - 09:17:20 in Wararka by
  • Visits: 595
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Antonio Griezmann oo sheegay Laacibka u Qalmo Sanadkan jaa,izada Ballon D'or

    Laacibka Kooxda Atletico Madrid weerarka ugu ciyaara Antonio Griezmann ayaa sheegay in ciyaaryahan u dhashay xulka France uu u qalmo abaalmarinta Ballon D'or. Antonio Grierzmann ayaa aaminsan in sanadkan laacibka ugu wanaagsan aduunka uu ku g

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laacibka Kooxda Atletico Madrid weerarka ugu ciyaara Antonio Griezmann ayaa sheegay in ciyaaryahan u dhashay xulka France uu u qalmo abaalmarinta Ballon D'or. Antonio Grierzmann ayaa aaminsan in sanadkan laacibka ugu wanaagsan aduunka uu ku guuleeysan doono ciyaaryahan u dhashay wadanka France.

30ka Ciyaaryahan ee u sharaxan Abaalmarinta Ballon D’or ayaa lagu Dhawaaqay shalay xilli ay hogaaminayaan Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Kylian Mbappe, Paul pogba iyo Antonio Griezmann ayaa kamid ah musharixiinta abaalmarinta Ballon D’or ee kasoo jeeda wadanka Les Blues.

Sikastaba Griezmann ayaa sheegay,” Sanadkan waxaan qaaday koobab kala duwan sida Europe league, Super Cup iyo Koobka Aduunka sanadihii hore waxaan ka hadlu jiray is barbar-dhiga Messi iyo Cristiano.

” Waxaan dhihi karaa sanadkan Jaa,izada Ballon D’or waxaa u qalmo laacib u dhashay wadanka France,” ayuu hadalkiisa kusoo afjaray Antonio Griezmann.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip