Tataristan & Kitaabka Qur'aanka. Wax ka ogaaw ( Cashar Aqoon kororsi ah) !!!!.

0
Sunday October 07, 2018 - 09:10:37 in Wararka by
  • Visits: 750
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tataristan & Kitaabka Qur'aanka. Wax ka ogaaw ( Cashar Aqoon kororsi ah) !!!!.

    Jamhuuriyadda Tataristan ee Islaamka ah, Magaala madaxdeedu waa Kazan, Dadkeeduna waa 3.8 Million, waxay ka tirsaneyd Midawegii Sufyeeti, markii burburkii dhacay iyaga looma oggolaan inay ka Go'aan Ruushka, sababta oo ah tira ahaan waa yar yihii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jamhuuriyadda Tataristan ee Islaamka ah, Magaala madaxdeedu waa Kazan, Dadkeeduna waa 3.8 Million, waxay ka tirsaneyd Midawegii Sufyeeti, markii burburkii dhacay iyaga looma oggolaan inay ka Go'aan Ruushka, sababta oo ah tira ahaan waa yar yihiin, Dhulkooduna waa Barwaaqo, waxaana mara wabiga Yurub ugu weyn, waxayna leeyihiin 23 Ceel oo shidaal ah.

Waxaa yaal Kitaabka Qur’aanka ee Adduunka ugu weyn, dhirirkiisu waa 2 mitir, dhinacna waa 1.5 Mitir, dadabna waa 25 Cm. Culeyskiisu waa 800 kiilo, waana 623 Bog. Dusha (Cover-ka) waxaa uga hardhan Macdan qaali ah iyo Dahab.

Si loo kala furana waa in dhowr Qof ay isla qabtaan warqadda. ( Fiiri Sawirrada: 1, 2, 3 & 4aad).

Masjidka Qol Rif , markii la dhisayay kun sanno ka hor sannadkii 922 Miilaadiyada, wuxuu ahaa, Masjidka ugu weyn Yurub marka laga reebo kuwa Istanbul. Fiiri Masaajidda Taariikhiga ah (F.M:5—11aad).

Magaalada uu ku yaal oo xoogaa ka fog Caasimadda Kazan, ayaan aadnay inkastoo waqti hore aan tagi karnay haddana habeenkii magaala kale oo dhaxda ku taal ayaan seexanay, subaxdii kale ayaan tagnay. Bolgar waa Magaalo taaiikhi ah, weli dhulka waxaa laga qodayay Masaajid berri hore ku aasantay.

Tatarstan waxay leedahay Madaxweyne, Baarlamaan iyo Golle wasiiro oo u gaar ah inkasta oo ay hoos tagaan Dowladda Moosko, Madaxeynaha oo shirkii Muslimiinta oo baadiyaha ka dhacay aan ku kulanay waa ninka gaaban ee dhaxda fadhiyo.( F.S: 12aad).

Dhulka baadiyaha ah waxa ka muuqda nolol wanaagsan, dadkuna waxay ku mashquulsan yihiin Tacab, welina dhaqankoodii kana tagin (F.S: 13—-19aad).

Gabar Muslimad ah oo Jaamacad ka barata Shuruucda Caalamiga ah (International Law) ayaa ii suura galisay in aan tago qayba badan oo Dalka ka mid ah.

Waalidkeed markii aan ugu tagayay Gurigooda waxa la ii soo dhaweeyay sidii qof Fariin diiniya u wado oo loo soo diray, wuxuu wax badan iga weeydiinayay diinta islaamka.

Markii aan ku iri: Somaliya waa Dal 100% Islaam ah aad ayuu ula yaabay, waxaan ka baqayay inuu i weydiiyo, haddii aad 100% Muslim tihiin maxaad isku dileysiin?. laakin Nasiib wanaag weligii ma maqal Somaliya, waxa uu yaqiin Erayga (Samaaliyoot) oo Af kooda macnihiisu yahay Dayaarad.

Inta badan Gabadhiisa oo Af Ingriiska taqiin ayaa noo kala tarjumeeysay , laakin anna waxaan ku hadlayay Af- Ruush jajab ah oo aan weli xasuusto kaa oo aan ku bartay Xaruntii Dhaqanka Ruushka ee Xamar anniga oo aan weli qaan gaarin, la igana siiyay shahaado Turjubaan, in kastoo ay aheyd markii iigu horeysay oo aan tago Dalka Ruushka, haddana Luuqada aad Caruurnimada ku barato badanaa lama hilmaamo.

Aabihii waxa uu igu yiri: waqtigii Shuuciyadda Shanta Salaadood waxaan Dukan jiray Habeenkii hal mar, weliba markii ay caruurtu seexdaan si aynan u ogaan Dowladii shuuciga aheyd. Waqtigii hore Kitaabka Qur’aanku wuxuu ahaa Suuq madow (Contraband) Qofkii lagu arko wuxuu galayay xabsi uuna dib uga soo noqoneyn oo lagu dilayo. Dadku wixii laga celiyo ayey raadiyaan, wuxuu ahaa Kitaabka Qur’aanku mid aad u qaali ah qiima ahaan, dadkuna muddo ayay Lacag urursan jireen si mar uun ay u helaan Kitaabka Qur’aanka, waxaana Badanaa si qarsoodi ah looga soo gelin jiray dhinaca Turkiga.

Waxaan Ka xumahay habeenkii aan soo baxayay Ardayadii & qoyskeeda oo ooynaya ayaan Ka soo tagay, waxaana Ku iri: Aduunyadu waa Tuula yar, haddii la nool yahay waa la is arkaa ALLA idinkii, welina dib iskuma arag.

Reer Tataristan, waxay ahaayeen Dad muddo dheer ka hor uu Turkigu u geeyay Dariiqada Suufiyadda. Muddo dheerna laga hortaagnaa Islaamka, hamuuna u qabay Barashada Diinta ay rumeysan yihiin. Waxaa ku yaacay Culumo ka timid Caalamka Islaamka, kuwa Afrika ka tagay oo leh si ayna Gabdhihiinu u guursan Gaalada idinla nool Guursada Hal xaas ka badan taa oo ku cusub, iyo inay Gabdhaha Gudaan oo iyana ku cusub, waxa kale oo tagay Culumo Wahaabiya ah oo Sucuudiga ka timid iyo Kuwa kale oo Yurub ka soo yaacay oo wada leh Islaamka ayaan idin Bareynaa.

Waxaa iiga muuqday inay ku wareersan yihiin Firqooyinkan Badan ee wada Islaamka ah oo aynan hore u maqal. Waxaa kale oo ku sii badanaya dhaqana kale oo Yurub ka yimid iyo Dhalin yaro Dhafoorada xiiranayso iyo kuwa Jirkooda wax ku qorayo, si looga dhumiyo dhaqankoodii hore kadibna reer Yurub ay ku daysadaan. Ogaantay soo ma gaarin Mad-habta Shiicadu.

Sida ay Diinta u ilaalinayaan, waxaa la i tusay Guri Boolisku ay muddo dusha ka ilaalinyen markii la arkay in Rag kaliya ay ka soo baxayaan oo Dukaamada ka soo adeegayaan , Dumar iyo Caruurina eyna ka soo baxeyn, Lix sanno kadib ayuu Bolisku galay waxaana loogu tagay Dumar iyo Caruur. Raggii ku jiray Gurigu, Waxay yiraahdeen Aduunyadu waa sii xumaanee waxaan diideynay in nalaga Fasahaadiyo ,waxaana door bidnay inay halkooda ku bartaan diinta islaamka oo kaliya.

Waxaa la igu yiri: Haweenkooda waxaa lagu Tilmaamaa Haweenka ugu qurxan Adduunka, taasi waa ka muuqataa marka aad si guud u fiiriso Hablahooda. Mar kasta oo aad Guryaha Galeysid ama Xarumaha waaweyn waxaa irida kaaga Hor imaanaya Gabdho ama wiilal yar yar oo Gacnta ku sido Macmacaan ey kugu soo dhaweynayaan. ( F.S:20—23aad).

Islaamka Alla ha mideeyo, meel kasta oo ey jooganna Alla haku badbaadiyo, Quluubtoodana Alla ha isku soo Dumo.

FG: Markii la i casuumay kaligeey iskama tagin,ee waxaan hore isku sii raacnay Saddax Ka mid ah Ardaydeeydii aan wax bari jiray, Kana qalin jabiyay Jaamacadaha dalka dagaaladii sokeeye kadib, waxayna soo kororsadeen waaya aragnimo.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip