Ar Heshiiska Deynaa nalaga Cafinaa si fiican loogama fiirsadoo =Nasashada Jimcaha. Q-116aad=.

0
Friday October 05, 2018 - 17:47:01 in Wararka by
  • Visits: 694
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ar Heshiiska Deynaa nalaga Cafinaa si fiican loogama fiirsadoo =Nasashada Jimcaha. Q-116aad=.

    1-Nin Dukaanle ah ayaa Nin Farshaxaniista ahaa ku yiri: Dukaanka Hortiisa iigu sawir Libaax. waxa uu ku yiri Farshaxaniistihii: Ma Libaax shabaq ku jiraa, mise mid Qoorta ka xiran?. Dukaanlihii ayaa ku yiri: Maya, Mid waxba eynan Celineeyn. Farshaxan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Nin Dukaanle ah ayaa Nin Farshaxaniista ahaa ku yiri: Dukaanka Hortiisa iigu sawir Libaax. waxa uu ku yiri Farshaxaniistihii: Ma Libaax shabaq ku jiraa, mise mid Qoorta ka xiran?. Dukaanlihii ayaa ku yiri: Maya, Mid waxba eynan Celineeyn. Farshaxaniistihii ayaa Rinji raqiis ah soo gatay Biyana ku qasay, kadibna Libaaxii sawiray. Nasiib daro Roob ayaa Habeenkii yimid oo Sawirkii ka dhaqay Darbiga. Subixii markuu Lacagtii soo doontay, ayaa dukaanlihii u diiday . farshaxaniistihii ayaa ku yiri: soow annagu kuma heshiin, shabaq iyo Xarig ha ku darin, Libaaxii Xalay ayuu baxsaday ee Lacagteyda i sii. ( F.S: 1aad)

 

( Ar Heshiiska Deynaa nalaga Cafinaa si fiican loogama fiirsadoo. Yeeyna dhicin Libaaxna ma heeysid, Lacagtiina waa lagaa rabaa)

2-Madaxdii Dowlada oo Xamar ka tagtay oo kormeer ku mareysay Degmada Buula Burte ayaa waddada kula kulantay nin Geel la jiro. Waxa ey yiraahdeen ,madaxda Dowadda yaad ka taqaan? Waxa uu yiri: Masaakiintaas Qof kama aqaan ee faataxada u aqriya in Alla wax siiyo. Waxaa lagu yiri: maxaa dhacay? Waxa uu yiri: Bil kasta waxaan maqlaa, iyada oo la leeyahay Dowlada, Lacag iskaa wax u qabso ah, Canshuur iyo taakuleyn ha loo Aruurinayo. Walbana Culama ma ahan oo Ducadooda ma aragno, Barbaarna maahan oo Geela nalama shubaan.

( Ar shacabka wax laga qaadayo, haleys barto, waxna haloo qabto).

3- Wiil Reer Dhuusamareeb ah ayaa Gabar uu jeclaa oo reer Baydhaba ihi ku tiri: ii imaad markii hooyo seexato galabtii, waxa uu ku yiri: Sideen ku ogaanayaa? Waxa ey tiri: Dabaqa hoostiisa soo fadhiiso, Daaqada ayaan shillin ka soo tuurayaa Markii aad Dhalalawdiisa maqasho soo fuul jaranjarta.

Galabtii ayey Shillin u soo tuurtay Dhalalawdiina uu maqlay, laakin sidii ey ku balameen sooma korin jaran jartii. Maalintii dambe ayey suuqa ku aragtay kuna tiri: War Maraxyohoow, maxaa kugu dhacay soo ma maqal shanqarta shillinka?. Waxa uu yiri: waan maqlay, laakin , xoola jeclaa i qaaday, soow anigu Reer Dhuusa mareeb ma ihi. Shillinkii ayaan raadsanayay Galabkii oo dhan, waana waayay.

Waxa ey ku tiri: Soow ma ogid in aan anniguna ahay Reer Baydhabo oo aan Xoola jecelahay, Shillinka Dun ayaan ku soo xiray markuu shanqarayna dib ayaa duntii u soo duubtay, Shillinku Baaqa ayuu ayaa ee ma Sadaquu ahaa?. ( F.S: 2 & 3aad).

( Waa leysa siroo hooyaa miyaa? Ar Reer Dhuusamareeb & Reer Baydhabo, shillinka miyey isku heystaan mise wax ka badan, Duqduna Goormeey seexanee Ilmuhu ha heshiiyaanee).

4- Haweney Fool ah ayaa lageeyay Isbitaalka Ugas Ciise ee degmada kaaraan. Markii ey 8 saacadood foolaneysay, oo ey weli dhali la’dahay xanuunkiina ku batay, Umulusadiina ey isku rafaadeen. Ayey ku tiri: War bax oo ninkeeyga u soo yeer. Ninkii ayaa yimid, iyada oo careysan ayey ku tiri: war umulusadu waa daashay anna Xanuun uma adkeysan karo, ee u sheeg meeshii aad wax geeysay. ( F.S: 4aad).

( Somalia Fool waa ku daashay ee yaa yaqaan, meesha Xalka la dhigay).

5- Aay Xaliimo oo 85 jir ah oo aan Sariirta ka kici Karin ayaa wiilashii ey Ayeyda u aheeyd oo la kaftamaya waxa ey ku yiraahdeen: Ayeeyo Nin xaafadda degan ayaa ku soo doontay. Waxa ey tiri: Acuudu billahi , ma anigoo da’daan jiro ayaan ninba haweysan karaa, khaatumada Alla ha ii suubiyo.

Wiilashii weey iska tageen 10 cisho kadib ayey Salaan ug u soo noqdeen. Markii ey sii bixayeen ayeey ku tiri: Maandhooyoow, warkii maalin hore la wad waday xaguu ku dambeeyay. ( F.S: 5aad).

( Horta Nabaddii & Lacagtii la sheegsheegay ayaan hore, xageey ku dambeeysay).

6-Nin reer Gaalkacyo ah ayaa Xiniinta Nabar uga soo baxay, waxaa la keenay Isbitaal Xamar ku yaal, waxaa lagu yiri: Halistu waa badan tahay waa in hal Xiniin lagaa saaro, midda kuu harta ayaa ku filan shaqadii labada, sida xubnaha kale ee laba labada ah haddii mid la bixiyo tan kale waa lagu noolaan karaa, Sida: Kalyaha Indhaha iyo Sambabada.

Waa diiday ninkii. Waxaa la yiri: Maxaa dhacay? Wuxuu yiri: (( Wallee, Gaalkacyo oo anigoo laba xiniinyood ah aan ku noolaan waayay in aanan Hal xiniin kula noolaan Karin)).

(Nin wasiir ahaa oo heysan jiray Baabuur Bullet Proof ah, Ilaalo xoogan, Jidkuna u xirnaa, ayaa xilkii laga qaaday. Waxa uu yiri: waan iska dhoofayaa. Waxaa lagu yiri: Maxaa dhacay?. Waxa uu yiri: Xamar, aniga oo heeysto ilaalo igu filan ayaan wadna kurkur la joogi waayay, miyaan sii Joogi karaa iyada oo ilaaladii la iga qaaday. Iga wad Balada, Ilma igama joogaane—F.S: 6aad).

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip