Morata oo fure u noqday guul rafaad ah oo Chelsea ka heshay Vidi
Kooxda Chelsea ayaa dhibaato badan ka martay inay saddex dhibcood ka helaan kooxda Vidi.
Kullanka ka dhacay garoonka Stamford Bridge ayaa noqday mid si sahal gool lagu dhalin waayo.
Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay natiijo goolal la'aan ah.
Markii la isu soo laabtay ayuu Macallin Maurizio Sarri is beddello ku sameeyay ciyaarta, waxaana uu garoonka keennay Eden Hazard iyo Rose Barkley.
Blues ayaa heshay goolka madiga ah ee ay guusha kaga qaateen kooxda Vidi markii Willian kubbad uu soo sallaxay shabaqa cuskiyay Alvaro Morata.
Vidi ayaa daqiiqadahii ugu dambeeyay ku sigatay inay dib usoo dhiciso natiijada ciyaarta, balse Victor Moses ayaa meel qatar ah ka badbaadiyay.
Guud ahaan natiijada ciyaarta ayaa kusoo idlaatay 1-0, waxaana ay heleen guushii labaad ee tartanka UEFA Europe League xilli ciyaareedkan..
Morata oo fure u noqday guul rafaad ah oo Chelsea ka heshay Vidi
Kooxda Chelsea ayaa dhibaato badan ka martay inay saddex dhibcood ka helaan kooxda Vidi. Kullanka ka dhacay garoonka Stamford Bridge ayaa noqday mid si sahal gool lagu dhalin waayo. Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay natiijo goolal