The Sun oo ogaatay xilliga tababare Mourinho laga eryi doono Man United

0
Sunday September 30, 2018 - 22:07:36 in Wararka by
  • Visits: 582
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    The Sun oo ogaatay xilliga tababare Mourinho laga eryi doono Man United

    Wargeska The Sun ayaa siweyn isugu hawlay inuu ogaado waxa ka socdo garoonka Old Trafford madaama macalin Jose Mourinho mustaqblkiisa Man United dood ka taagan tahay. Cayaartooyda kooxda Man United iyo dhamaan shaqaalaha kale ee kooxda ayaa isku r

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeska The Sun ayaa siweyn isugu hawlay inuu ogaado waxa ka socdo garoonka Old Trafford madaama macalin Jose Mourinho mustaqblkiisa Man United dood ka taagan tahay. Cayaartooyda kooxda Man United iyo dhamaan shaqaalaha kale ee kooxda ayaa isku raacsan in macalin Jose Mourinho shaqada Old Trafford laga diro si kooxda xasilooni u hesho dhibaatadana uga baxdo. Haddaba The Sun ayaa ogaatay in Jose Mourinho la racadeen doono todobaadka dambe marka la aadayo kulamada waajibaadka qaramada oo cayaartooyda kooxda xulalkooda kala aadaan. Sidaa darteed Man United marka ay wajaheyso naadiga Juventus dhamaadka bisha October kooxda macalin uma sii ahaan doono Jose Mourinho marba haddii la racadeenayo marka lagu maqan yahay waajibaadka gudashada qaramada. Jose Mourinho wuxuu noqday macalin cayaartooyda Man United ka hor imaadeen taasina waxay sababtay in kooxda kulankeedii ugu dambeeyay guuldaro 3-1 kala kulantay naadiga West Ham.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip