Xasuusin Jaamiciyiinta Shaqa Doonka ah!!!.

0
Saturday September 29, 2018 - 21:07:08 in Wararka by
  • Visits: 756
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasuusin Jaamiciyiinta Shaqa Doonka ah!!!.

    Waxaan beryahaan ku arkayay Baraha Bulshada iyo waddooyinka Mogadishu qaar, Tabeele uu soo dhajiyay Md. Abukar Ahmed Hussein oo ah wiil jaamacad ka soo qalin jabiyay ahna shaqa doon.( F.S: 1aad) Wiilkeeyga Abuukaroow. Aan ku xasuusiyee shaqadu aad a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan beryahaan ku arkayay Baraha Bulshada iyo waddooyinka Mogadishu qaar, Tabeele uu soo dhajiyay Md. Abukar Ahmed Hussein oo ah wiil jaamacad ka soo qalin jabiyay ahna shaqa doon.( F.S: 1aad) Wiilkeeyga Abuukaroow. Aan ku xasuusiyee shaqadu aad ayey muhim u tahay, anniguba 8 dii billood ee u dambeysay shaqa raadis ayaan ahaa. Shaqaduna waa wax looga baahanyahay qof kasta ,mana ahan in aad dad kale ku sii tiirsanaato.

Faa’iiadada wax barashadu ma ahan oo kaliya in shaqa gaar ah lagu helo, ee waa in aad meel dheer wax ka aragto ( F.S: 2aad).wax barashadu weey adagtahay, weliba heerka Jaamacadeed dhib badan ayaad soo mare ( F.S: 3,4,5,6.& 7aad) ugu dambeeyna waad ku guuleeysanee. Mahad waxaa leh Allahii kuu fududeeyay,waalidkaa , macalimiimta iyo Ciddii kale ee kugu kaalmeysay. Ogoow Macalinku waa kula dhibtooday ( F.S: 8.9aad).

Jaamacadda kadib waxaa kuu bilaabanayo marxalad kale oo adag oo aad u baahantahay khibrad iyo shaqo mana ahan mid fudud, waqtyada qaar waxa aan is galeyn shaqa banana iyo shahaadadaada oo ah 2 godle iyo 3 godle, waxaadna u baahanee cid kale oo idin xiriirisa ama kula socdsiisa Suuqa shaqada aad u baahantahay halka laga heli karo (F.S: 10aad).


Abukaroow, Suuqa shaqadu waa ciriiri waxaana kala badan Frusadaha shaqo iyo Tirada dadka shaqa doonka ah.( F.S: 11,12,13,14, & 15aad) , xataa haddii aad hesho Shaqada waxaa kuu bilaabanaa culeeys kale oo ah kharajka lagaa rabo sidii adiga iyo qooyskaaga aad noloshooda aad u maareyn laheyd, ( F.S: 16aad). Waxaadna xasuusan doontaa waalidkii kugu soo dhibtooday ( F.S: 17,& 18aad) . dhibaatadaa oo dhan waxa jirta doon ku mooti karta Boholaha Nolosha waana Ducada waalidka ( F.S: 19aad).

Fekerka Tabeelaha ee aad keentay ayaaba muujinaya faa’iidada wax barashadu leedahay, waxaa haboon Jaamiciyiinta shaqa dhoonka ahi in ey sameeystaan Xafiis xiriiriya, Suuqa shaqada u kuur galo, Xaqoodana u raadiyo. Qorshaha shaqa abuurku waa mid laga rabo Dowlada, iyo Hayadaha kale iyaga oo raacaya awaamirta Dowlada. Adiga iyo inta shaqa doonka ah waxaa loo baahan yahay dadaal badan iyo Samir badan, waadna ku guuleeysan doontaa Nolosha Inshaa a Allaah.

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip