Gogol Dhigga kullanka Madrid Derby iyo xiddigo muhiim ah oo ka maqan Real Madrid!
Magaalada caasimadda u ah Spain ee Madrid ayaa heysta mid ka mid ah Derby-yada ugu adag kubadda cagta dunida.
Real Madrid oo kullankii lasoo dhaafay lasoo tumay ayaa caawa marti sooreysa Atletico Madrid oo kasoo qaadday UEFA Super Cup.
Caawa kullankooda waxa uu ka tirsanyahay horyaalka dalka Spain ee La Liga.
Yaa maqan? Yaa soo laabanaya? Yaa shaki la gelinayaa?
Marcelo oo kubka dhibaato kasoo gaartay kullankii Sevilla ayaa lagu xaqiijiyay inuu seegi doono tijaabo la mariyay Jimcihii.
Sidoo kale Isco oo qalliin caloosha ah maray ayaa maqan kaasoo xittaa seegay kullankii Sevilla, walow uu soo laabtay Dani Carvajal oo ciyaartan diyaar u ah.
Dhanka Atletico Jose Maria Giminez ayaa taam u ah kullankan, kaasoo ka cabanayay dhibaato Canqowga ah.
Safafka macquulka ah ee kusoo billaaban kara
Real Madrid: Courtois; Carvajal, Ramos, Varane, Nacho; Modric, Casemiro, Kroos; Bale, Benzema, Asensio.
Gogol Dhigga kullanka Madrid Derby iyo xiddigo muhiim ah oo ka maqan Real Madrid!
Magaalada caasimadda u ah Spain ee Madrid ayaa heysta mid ka mid ah Derby-yada ugu adag kubadda cagta dunida. Real Madrid oo kullankii lasoo dhaafay lasoo tumay ayaa caawa marti sooreysa Atletico Madrid oo kasoo qaadday UEFA Super Cup.